Halyeeyada Kooxda Manchester United Oo Ka Digay Halista Ka Imaan Karta Xaalada Adag Ee Ka Taagan Red Devils, Kadib Guuladaradii West Ham United.

Laba ka mid ah halyeeyada kooxda Manchester United ayaa waxay ka hadleen xaalada adag ay haatan ku jirto Red Devils, isla markaana loo qaadan karo inuu yahay mid ka mid ah xili ciyaareedyadoodii ugu xumaa ee taariikhda, wuxuuna hadalkan imaanayaa kadib guuldaradii 3-1 ahayd ee kaga soo gaartay West Ham United kulankii Premier League.

Guukdaradan soo gaadhay kooxda Manchester United ayaa ka dhigay inay tahay bilaabashadeeda ugu xumeyn taariikhda horyaalka Premier League mudo dhan 29 sano, taasoo ku qasabtay in halyeeyada Rio Ferdinand iyo Paul Scholes ay arintan si kulul u dhaleeceeyeen inta ay ku gudi jireen falaqeyntooda shabakada PT Sport.

Paul Scholes ayaa kadib guuldaradii West Ham United sheegay: “Xilligan la joogo waxaan u maleynayaa inay kooxda ka jirto xaalad fowdo, waxaa jira dagaal u dhaxeeya kooxda, sida ay u muuqato Ed Woodward iyo Mourinho, sidoo kale Mourinho iyo ciyaartoyda, sidaas darteed xaaladda uma muuqato mid degan”.

Scholes ayaa hadalkiisa sii raaciyay: “Waxay u muuqataa inay dhaceen qaladaad badan, miyaan arintan ku tilmaami karnaa inay tahay dhamaadka ciyaartoy badan ama macalinka?, ma naqaano laakiin waxaa jira dareen walwal ah”.

Dhinaca kale kabtankii hore kooxda Manchester United Rio Ferdinand ayaa  tilmaamay tilmaamay in kooxda ay dhibaato kala kulmi doono sida ay ku soo afjari lahayd waayaha Mourinho ama qaar ka mid ah ciyaartoyda aan wanaagsaneen qaab ciyaareedkooda laakiin wuxuu sheegay inay kooxdu ku qasban tahay inay go’aan ka gaarto.

Rio Ferdinand ayaa wuxuu dhinaciisa hadalka ku bilaabay: “Xaalada kuma sii socon karto qaabkan, wax walba waxay kahor muuqdaan warbaahiinta, waxaa jira dagaal u dhexeeya qolka labiska, kaasoo ah mid u dhexeeya ciyaartoyda iyo macalinka”.

Kabtankii hore kooxda Manchester United ee Rio Ferdinand ayaa wuxuu hadalkiisa kusoo xidhay: “Haddii ay xaaladdu sii socoto, kooxda waxay qaadan doontaa mid ka mid ah xili ciyaareedyadeeda ugu xumaa ee taariikhda”.