Halyeey Rio Ferdinand Oo Xiddigaha Da’yarka Manchester United Dib Uga Weeraray Jose Mourinho & Hadaladii Kululaa Ee Uu Runta Ugu Sheegay Special One.

Halyeeyga kooxda Manchester United ee Rio Ferdinand ayaa xiddigaha da’yarta kooxdiisa dib uga weeraray Jose Mourinho oo dhawaan eedayn culus hawada u mariyay isla markaana ku eedeeyay qaan gaadhnimo la’aan.

Jose ayaa si gaar ah u bar-tilmaameedsaday afarta xiddig ee kala ah Anthony Martial, Luke Shaw, Marcus Rashford iyo Jesse Lingard oo uu ku tilmaamay kuwa ay qaan gaadhnimo la’aantoodu kooxda dib u dhigtay balse Ferdinand ayaa aaminsan in Mou uu ku qaldanaa arrintaas.

Martial, Lingard iyo Rashford ayaa dhammantood bandhig liita kala soo muuqday kulankii ay Man United bar-bardhaca murugada leh kala kulantay Crystal Palace, Ferdinand ayaana aaminsan in eedayntu ay kaliya qalbi jabiin doonto.

Ferdinand oo arrimahaas ka hadlaya ayaa yidhi “Marka aad hesho faalooyin uu ku eedaynayo afar ama shan kamid ah ciyaartoyda yar yar ee kooxda oo uu leeyahay maskaxdoodu maaha mid sax ah, Maxaad rajaynaysaa?”

“Ma waxaad rajaynaysaa inaad ciyaartoydu dhinacaaga ahaadaaan mise waxaad rajaynaysaan inay tagaan oo ay wakhti ku bixiyaan iyaga oo leh ‘Tababarahaygu wuxuu igu weeraraayaa dadka hortooda”

“Uma malaynayo inay saxantahay in tababare kubadda cagta ahi uu sidaas sameeyo, Uma malaynayo inaad wax kaga soo saarayso faalooyinka noocaas ah, Uma malaynayo inay tahay mid dhisaysa kooxda, Waxa laga yaabaa waxa uu yidhi inay run tahay, Goobo xidhan ayuu la joogaa iyaga waxaana uu wiilashan arkaa maalin kasta”

“Waa inuu eego afartaas ama shantaas da’yarta ah oo uu yidhaahdo ‘miyaad ogtihiin, Sidaasi waa waxa aan idinka dareensanahay’, Wuu Ku saxsan yahay inuu sidaa yidhaa”