Halyeey Pele Oo Kooxda Liverpool U Saadaaliyay Inay Ku Guulaysan Doonto Horyaalka Premier League Ee Xilli Ciyaareedkan & Rekoodhka Madaw Ee Uu Ka Haysto Saadaalinta Oo Wer-Wer Ku Ridaya Jamaahiirta Reds.

Halyeeyga ree Brazil ee Pele ayaa kaddib markii uu si rasmi ah u furmay xilli ciyaareedka Premier League ee 2018-2019 waxa uu horyaalka sanadkan u saadaaliyay kooxda Liverpool balse jamaahiirta Reds ayaa durtaba ka wer wersan in Pele uu kooxdooda horyaalka u gacan galiyay.

Reds ayaa horyaalka ka soomanaa mudo dheer iyadoo markii ugu dambaysay ee ay hanteen ay ahayd xilli ciyaareedkii 1989-1990 kahor intii aan loo bixin magaca Premier League, Pele ayaa saadasha uu Liverpool ku siinayo horyaalka sanadkan taageero gaar ah u muujiyay xiddigaha dalkiisa ee Roberto Firmino iyo Alisson Becker.

Halyeey Pele ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay saadaashiisa xilli ciyaareedka, Qoraalka Pele ee Twitter-ka ayaa u dhignaa sida tan “Maanta waa bilawga Premier League, Yaad u malaynaysaa inuu ku guuleysan doono? Waxaan filayaa inay tahay sanadkii Liverpool, Alisson iyo Firmino”

Haddaba, Jamaahiirta Reds ayaa saadaashaas halyeeyga ree Brazil uu horyaalka ku siiyay kooxdooda kaliya u arki kara habaar maadaama oo Pele uu Rekoodh aad u xun ka haysto saadalihii hore ee uu kasoo dhiibtay tartamada kala duwan ee kubadda cagta.

Rekoodhka madaw ee uu Pele ka haysto saadaasha ayaa bilaabmay mudo kahor kaddib markii uu saadaaliyay in xul African ahi uu ku guulaysan doono koobka aduunka kahor sanadka 2000, Si lamid ah Pele ayaa xiddiga badali doona u saadaaliyay Nil Lamptey walow uu ugu dambayn noqday mid falaago ah (Flop).

Si lamid ah Pele ayaa koobkii aduunka ee sanadkii 2002 saadaaliyay in xulalka France iyo Argentina ay iskugu iman doonaan Final-ka tartankaas balse labada xulka lagu reebay wareega koowaad isla markaana xulka dalkiisa ee Brazil uu kusoo guulaystay tartankaas.

Si kastaba ha ahaatee, Jamaahiirta kooxda Liverpool iyo cid kasta oo danaysa Reds ayaan ku farxi doonin saadaasha uu Pele u saadaaliyay kooxdoodu inay ku guulaysan doonto horyaalka Premier League ee xilli ciyaareedkan maadaama oo uu rekoodh iyo taariikh aan fiicnayn ku leeyahay dhinaca saadaasha.