Halyaygii Barcelona Ee Ronaldinho Oo Rajo Galiyay Man United Iyo Qaabka Ay Barca Ku Garaaci Karaan.

Halyaygii hore ee xulka qaranka Brazil iyo kooxda Barcelona ee Ronaldinho ayaa tilmaamay sida kaliya ee ay Man United wax kaga heli karto kulanka lugta labaad ee siddeed dhamaadka UEFA Champions league marka ay habeen danbe soo galaan Camp Nou.

Ronaldinho ayaa tilmaamay in haddii ay Man United goolka furitaanka ay si deg deg ah ku hesho in Barcelona iyo jamaahiirteeda Camp Nou ay xaalad adag gali doonaan taas oo uu ku tilmaamay sida ay kooxda Ole Gunnar Solskjaer ay ugu soo bixi karto wareega afar dhamaadka UEFA Champions league.

Manchester United ayaa hadda ah kooxda uu culaysku ku saaran yahay in ay ugu yaraan hal gool ku keensato Camp Nou si ay barbaro uga dhigto natiijada wadarta labada kulan ee sideed dhamaadka, laakiin Ronaldo ayaa aaminsan in kooxda Valverde ee Barcelona ay haysato fursada ay ciyaarta ku dili karaan.

Ronaldo oo woxogaa rajo ah u abuuraya Man United isla markaana  ka hadlaya sida ay xaalad adag ugu abuuri karaan Barcelona ayaa yidhi: “Haddii ay United goolka hore dhaiso, garoonku wuxuu noqon doonaa mid neerfis ah isla markaana waligaa ma ogaan kartid waxa dhici kara”.

Ronaldinho natiijadii kulankii lugtii hore iyo soo laabasho ay United samayn karto ka hadlaya ayaa yidhi: “Iyada oo 1-0 kaliya uu hogaanku yahay, Manchester-na ay wali aaminsan tahay soo laabasho, waxaan filayaa in iyaga (Barca) ay waajib ku tahay in ay halkaas shaqada ku dhamaystiraan”.

Laakiin Ronaldinho oo tixraacaya hanaanka ciyaareed ee kooxdiisii hore ee Barcelona iyo goolashii ay soo dhaliyeen ayaa yidhi: “Hanaanka ay Barca u ciyaarto iyo tiradii goolashii ay soo dhaliyeen xili ciyaareedkan, waxaan filayaa in ay iyagu soo bixi doonaan”.

Barcelona ayaa doonaysa in ay iska reebto habaankar ka haystay in ay soo dhaafto siddeed dhamaadka UEFA Champions league ee saddexdii xili ciyaareed ee ugu danbeeyay.