Halyayga Xulka Qaranka Portugal Nuno Maniche Oo Sheegay In Jamaahiirta Kooxda Real Madrid Ay Waajib Ku Tahay In Ay Ixtiraamaan U Muujiyaan Ronaldo.

Halyayga reer Portugal iyo kooxda Atletico Madrid ee Nuno Maniche ayaa wuxuu xaqiijiyay in xidiga kooxda Juventus ay isku dalka kasoo wada jeedeen ee Cristiano Ronaldo uu wax walba u soo qabtay kooxdiisii hore ee Real Madrid wax walba ee ku aadan kubada cagta.

Nuno Maniche ayaa wareysi uu siiyay wargeyska “Marca” ee dalka Spain “Cristiano Ronaldo wax walba ayuu siiyay Real Madrid inta uu la joogay iyaga, mudada 9 sano uu la soo qaatay”.

Laacibkii hore kooxda Atletico Madrid ayaa wuxuu hadalkiisa sii raaciyay: “Cristiano Ronaldo waa inuu ixtiraam buuxa ka helaa dhamaan, xitaa ka dib marka uu kaga dhaqaaqay kooxda Juventus”.

Dhinaca kale Nuno Maniche ayaa wuxuu ka hadlay in xulkiisa uu isaga haray koobka aduunka 2018 ee haatan ka socda dalka Russia: “Xulka qaranka wuxuu u ciyaaray si wacan wuxuuna guuleestay, laakiin haatan nasiibka ma uusan marin dhankooda si ay u guuleystaan waa inaan bedelno waxyaabo badan”.

Maniche ayaa wuxuu hadalkiisa kusoo xidhay: “Koobka Aduunka 2018 ee dalka Russia waa mid layaab badan, waxaa isaga haray dhamaan xulalka loo saadaalinayay inay ugu cad cadyihiin ku guuleysiga tartankan, laakiin xili hore ayay macsalaameeyeen tartankan”.