Halyayga Xulka Qaranka Brazil Pele Oo Ka Hadlay Fikirkiisa Kaga Aadan In Neymar Jr Uu Kala Qeyb Gali Doono Xulka Samba Koobka Aduunka Ee 2018.

Halyayga xulka qaranka Brazil Pele ayaa wuxuu ka hadlay go’aankiisa kaga aadan xidiga ay isku dalka kasoo wada jeedaan ee kooxda Paris Saint-Germain Neymar Jr inuu ka qeyb gali doono koobka aduunka ee lagu qaban doono dalka Russia inta u dhexeysa bilaha June iyo July.

Pele ayaa sheegay in xidiga kooxda Paris Saint-Germain uu diyaar u yahay inuu kala qeyb galo xulkiisa qaranka Brazil Koobka Aduunka ee soo aadan, inkasta uu dhaawac kasoo gaaray tan iyo bishii March kulankii kooxdiisa PSG la qaadatay dhigeeda reer France ee Marseille.

Halyayga xulka qaranka Brazil Pele ayaa wareysi uu siiyay wargeyska “Sport” ee dalka Spain wuxuu kaga hadlay: “Neymar waa ciyaaryahan muhiim u ah Brazil, waxaan u maleynayaa inuu diyaar u noqon doono Koobka Adduunka, sababtoo ah dhaawiciisa ma ahan mid khatar ah, ma aanan helin fursad aan kula hadlo, sababtoo ah ma uusan ku sugneen Brazil marka aan halkaas joogay”.

77  jirkan reer Brazil oo ka hadlayay sida uu ugu kalsoon yahay awooda xulkiisa Sambaee koobka aduunka ayaa wuxuu yidhi: “Dabcan waxaan doonayaa in xulka Brazil uu guuleysto, waxaan kalsooni ku qabaa iyaga iyo macalinka cusub, inkastoo uusan waqti badan u helin si uu u sameysto kooxdiisa, lakiin waxaan heysanaa ciyaartoy badan ee si wanaagsan kaga ciyaarta qaarada yurub, tartanka ugu weyn ayaa ah inaad awbuurto jawi wanaagsan, lakiin waxaan qabaa inaan koox fiican ku yeelan doonno Koobka Adduunka”

Si kastaba xulka qaranka Brazil ayaa isku aadkii laga sameeyay koobka aduunka ka dhici doono inta u dhexeysa bilaha June iyo July wuxuu xulka qaranka Brazil ku wada jiraan Group E, Switzerland, Costa Rica iyo Serbia.