Halyayga Xulka Qaranka Brazil Iyo Kooxaha Milan Iyo Real Madrid Ricardo Kaka Oo U Rajeeyay Tababare Tite Inuu Sii Leeliyo Seleção Ilaa Iyo Koobka Auunka 2022.

Laacibkii hore kooxaha AC Milan, Real Madrid iyo xulka qaranka Brazil Ricardo Kaka ayaa sheegay inuu rajeynayo in tababaraha haatan ee xulka Seleção Tite uu sii joogo ilaa ilaa iyo koobka aduunka 2022.

Xulka qaranka Brazil ayaa ku haray wareega 8-da koobkii aduunka 2018 ee dhawaan lagu soo xidhay dalka Russia, kadib markii ay guuldaro 2-0 ah kala kulmeen  dhigooda Belgium.

Qaar badan ee shacabka reer Brazil ah ayaa rajeynayay in ugu yaraan xulka qaranka Seleção uu ciyaari doono finalka koobka aduunka 2018, laakiin sheekada ma aysan u dhicin sida la rajeenayay, inkastoo xulka Seleção uu heysto jiil ciyaartoy ee aad u wanaagsan.

Hadaba halyayga xulka qaranka Brazil Ricardo Kaka ayaa u sheegay shabakada “Goal” mar uu kala hadlayay fikirkiisa kaga aadan mustaqbalka Tite wuxuuna yidhi: “Brazil waxay ku fashilantay inay gaarto finalka koobka aduunka 2018”.

Ricardo Kaka ayaa wuxuu hadalkiisa sii raaciyay: “Laakiin waxaan ka eegayaa dhanka wanaaga, waxaan aaminsanahay inaan bixinay koobka aduun ee aad u wanaagsan, gaar ahaan wareega 8da ee aan la ciyaarnay xulka qaranka Belgium, wuxuu ahaa kulan weyn, laakiin nasiibka ma uusan nagu hogaaminin inaan u gudubno wareega afar dhamaadka”.

Kaka ayaa wuxuu hadalkiisa kusoo xidhay: “Brazil waxaa heysta caqabado dhowr ah, laakiin way fududahay in la xaliyo, waxaan rajeynayaa in Tite uu sii wadi doono shaqada tababarka, waana hubaa inuu joogi doono ilaa iyo 2022”.