Halyayga reer Sweden ee Zlatan Ibrahimovic Oo Talo Muhiim Ah Ka Siiyay Saxiibkiis Hore Kooxda Manchester United Paul Pogba Dhaleeceenada Uu La Kulmo.

Halyayga reer Sweden ee Zlatan Ibrahimovic ayaa difaacay saaxiibkiis hore ee kooxda Manchester United Paul Pogba, kadib markii uu xulkiisa qaranka France kula guuleystay koobka aduunka 2018 ee Axadii lasoo dhaafay lagu soo gaba gabeeyay dalka Russia.

Zlatan Ibrahimovic ayaa uu ku bixiyay shabakada “Sky Sports” ee dalka England wuxuu kaga hadlay saaxiibkiis hore Paul Pogba wuxuuna yidhi: “Laba sano ayaan la ciyaaray, dadkuna waxay jecelyihiin inay sheegaan fikirkooda had iyo jeer, xaq ayayna u leeyihiin inay ka hadlaan fikirkooda”.

Laacibkii hore kooxda Manchester United ayaa wuxuu hadalkiisa intaas kusii daray: “Muhiim ma ahan inaad carabkaaga jawaab ku bixiso, waxaadna sameyn kartaa waxa aad ku fiican tahay, taasi waa jawaabta aad bixin karto, waa sida aan jecelahay inaan sameeyo”.

“Waa xidig da’ayar ah ee kula guuleystay Koobka Aduunka 2018 xulkiisa France, wuxuu qeyb ka ahaa finalkii Champions League ee Juventus, finalka UEFA Europa League ee Manchester United iyo finalka Euro 2016 ee France, islamarkaana wuxuu ku guuleystay koobab badan”.

Zlatan Ibrahimovic ayaa wuxuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay: “Maxaa kale oo ay tahay in la sameeyo? waa inuu ku raaxeystaa ciyaaraha waana ogahay inuu fiicnaan doono”.