Halyayga Real Madrid Míchel Salgado Oo Kula Taliyay Maamulka Los Blancos, Kadib Bixitaanka Cristiano Ronaldo Inay sameeyaan Saxiixa Bar-tilmameedkoodii Hore.

Halyayga kooxda Real Madrid Míchel Salgado ayaa kula taliyay maamulka Los Blancos, kadib bixitaanka Cristiano Ronaldo inay sameeyaan saxiixa weeraryahanka reer Poland iyo kooxda Bayern Munich Robert Lewandowski, si uu ugu noqdo badalka Cristiano.

Míchel Salgado ayaa wareysi uu dhawaan ku bixiyay wargeyska caanka ah ee “AS” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca kaga qaaday xidiga uu la jeclaan lahaa Real Madrid inay lasoo saxiixato si uu ugu noqdo badalka Cristiano wuxuuna yidhi: “Waxaan u maleynayaa in Robert Lewandowski uu ku haboon yahay maadaama Real Madrid ay raadineyso saxiixa weeraryahan cusub”.

Salgado ayaa wuxuu hadalkiisa intaas kusii daray: “Robert Lewandowski waa mid ka mid ah weeraryahanada ugu fiican adduunka, taas waa waxa ay kooxdu raadineysay sanadihii ugu dambeeyay”.

Difaacii hore xulka qaranka Spain ayaa sidoo kale sheegay: “Waan ogahay inay adag tahay inaan la saxiixano Lewandowski, laakiin sidoo kale waan ogahay inuu doonayo inuu tijaabiyo khibrad cusub ee ah Real Madrid, kadib mudo sanado ah uu ku sugnaa horyaalka Bunusliga ee dalka Germany”.

Míchel Salgado oo aaminsan in haatan dhanka Real Madrid ay wax walba iska badaleen ayaa wuxuu yiri: “Haatan wax walba waa ay isbadaleen, kadib bixitaanka Cristiano Ronaldo, sidaas darteed waxaan qabaa in kooxda ay waajib ku tahay inay la saxiixato ugu yaraan laba ciyaaryahan”.

Laakiin Salgado ayaa wuxuu hadalkiisa kusoo xidhay: “Mid ka mid ah xidigaha ay dooneyso Real Madrid ayaa ka mid ah Robert Lewandowski, ama ciyaaryahan leh sifooyinkiisa oo kale, laakiin arintan ma ahan wax fudud”.

Waxaa xusid mudan in maamulka kooxda Bayern Munich aysan dooneynin in ay iska fasaxaan Robert Lewandowski, waxayna doonayaan inay sii heystaan xili ciyaareedka cusub, inkastoo hoos u dhac laga dareemayay xili ciyaareedyadii lasoo dhaafay.