Halyayga Liverpool John Barnes Oo Ka Warbixiyay Hal Arin Ay Maamulka Reds Ku Fasixi Karaan Mohamed Salah, Inkastoo Uu Dhawaan Saxiixay Heshiis Cusub.

Halyayga kooxda Liverpool John Barnes ayaa xaqiijiyay in maamulka Reds aysan ka hor iman doonin in laacibka xulka qaranka Masar ee Mohamed Salah inuu ka dhaqaaqo garoonka Anfield inta lagu jiro suuqan xagaaga.

Waxaa jiray warar badan ee ku aadan in kooxda reer Spain ee Real Madrid ay si aad ah u baadi goobeyso xidiga reer Masar iyo kooxda Liverpool ee Mohamed Salah oo haatan da’adiisu tahay 25 jir, kadib bandhigiisa cajiibka ah uu kala soo muuqday Reds xili ciyaareedkii lasoo dhaafay.

Mohamed Salah ayaa wuxuu yimid garoonka Anfield xili ciyaareedkii lasoo dhaafay, wuxuuna kaga soo biiray kooxda reer Talyaani ee Roma, waxayna imaatinkiisa Reds imaaneysaa kadib markii uu ku fashilmay waayihiisii kooxda reer London ee Chelsea.

John Barnes ayaa wareysi uu dhawaan bixiyay wuxuu kaga hadlay mustaqbalka Mohamed Salah wuxuuna yidhi: “Heshiiska cusub uu dhawaan saxiixay Mohamed Salah kama hor istaagi doonto inuu ka dhaqaaqo garoonka Anfield, hadii ay kooxda Real Madrid kasoo gudbiso qiimo dhan £ 200 million, waxay maamulka kooxda ogolaan doonaan in ay iibiyaan”.

Halyayga kooxda reer England ayaa wuxuu hadalkiisa intaas sii raaciyay: “Cristiano Ronaldo ayaa laga yaabaa inuu ka tago Real Madrid, sidoo kale Robert Lewandowski oo Bayern Munich ah ayaa laga yaabaa inuu ka tago, sidoo kale Naymar Jr oo Paris Saint-Germain ah, taasoo la micno ah in la ogolaado in laga iibiyo dhamaan kooxaha waaweyn”.

Si kastaba John Barnes ayaa wuxuu hadalkiisa kusoo xidhay in ay xaqiiqo tahay In heshiiska cusub ay dhawaan Liverpool ka saxiixatay Mohamed Salah aysan kahor istaagi doonin in uu ka dhaqaaqo garoonka garoonka Anfield hadii ay dhacdo in laga soo gudbiyo dalab qaali ah.