Halyayga Liverpool Ee Robbie Fowler Oo Ka Hadlay Xidiga Ah Saxiixii Ugu Fiicnaa Ee Ay Kooxaha Premier Leaque Sameeyeen Suuqii Xagaagii La Soo Dhaafay.

Halyayga kooxda Liverpool ee Robbie Fowler ayaa aragtidiisa ka dhiibtay xidiga uu arko in u yahay saxiixii ugu fiicnaa ee ay kooxaha Premier Leaque sameeyeen suuqii xagaagii la soo dhaafay. Kooxaha Premier Leaque ayaa malaayihiin gini ku kharash gareeyay ciyaartoy badan oo ay la soo saxiixdeen laakiin dhamaantood may noqon kuwo lagu guulaystay iyada oo qaar ka mid ahi ay haddaba fashil noqdeen.

Saxiixyadii ugu hadal haynta badnaa xagaagii la soo dhaafay waxa ka mid ahaa Lacazette oo ay Arsenal lacagtii abid ugu badnayd ee kooxdeeda ay ka soo bixisay, Alvaro Morata oo ay Chelsea lacagtii abid ugu badnayd ee kooxdeeda ay kula soo wareegtay, Mohamed Salah oo ay Liverpool ku kharash garaysay lacagtii abid ugu badnayd ee kooxdeeda iyo Romelu Lukaku oo ay Man United kula soo wareegtay lacagtii labaad ee abid ugu badnayd laakiin Robbie Fowler  ayaa aaminsan in Mohamed Salah uu yahay saxiixa ugu fiican dhamaan ciyaartoydii lala soo wareegay suuqii xagaaga.

Liverpool ayaa Mohamed Salah kagala soo wareegtay £36.9 milyan gini waxayna ahayd lacagtii ugu badnayd ee ay ciyaaartoy kooxdeeda soo gaadhay kula soo wareegtay inkasta oo ay lacag 48 milyan gini ah ku kharash garysay Naby Keita oo aan wali kooxdeeda uga soo wareegin kooxda RB Leipzing.

Mohamed Salah ayaa kooxda Jurgen Klopp ee Liverpoool u soo dhaliyay 12 gool wuxuuna soo sameeyay 3 gool caawineed 17 kulan oo uu tartamada oo dhan ka soo muuqday safka kooxdiisa Reds, wuxuuna Robbie Fowler  aaminsan yahay in uu haddaba Salah yahay saxiixa ugu fiican ee ay koox Premier Leaque ahi samaysay xagaagii la soo dhaafay.

Robbie Fowler oo la hadlayay ESPN ayaa isaga oo ka hadlaya kooxdiisii hore ee Liverpool wuxuu yidhi: “Waxaan hubaashii filayaa in bilawgii sanadka ay jireen goolal badan oo dhexdooda ahi, waxaa jiray fursado yar oo la lumiyay. Kadib cadaadiska oo dhami waxa uu saarmay difaaca sababtoo ah waxaa laga dhalinayay goolal”.

Robbie Fowler oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: “Laakiin hadda goolal ayay dhalinayaan wax walbana waa laga soo qaaday difaaca, waxaan filayaa in aanu ku faraxsanahay sida aanu u socono oo ah saddex guulood oo fiican, laakiin eeg waxaa jira dariiq dheer oo ay tahay in la maro, isla markaana goolal badan ayaanu sanadkan raadinaynaa”.

Intaa kadib Robbie Fowler  ayaa si gaar ah uga hadlay Mohamed Salah: “Hubaashii saxiixii Mohamed Salah waxa uu ugu dhawaan ahaa saxiixyada Premier Leaque ee ilaa hadda ugu fiican, banaanka uu samaysto, waxa uu maalinta oo dhan helayaa fursado, wuxuuna u baahan yahay inuu sii wado qaab ciyaareedka fiican, sababtoo ah isagu muhiim ayuu u yahay Liverpool”.

Comments

comments