Halyayga Kooxda Manchester United Gary Neville Oo Daboolka Ka Qaaday Sirta Ka Dambeysa Guulaha Uu Gaadhay Xidiga Real Madrid Cristiano Ronaldo.

Xidigii hore kooxda Manchester United Gary Neville ayaa shaaca ka qaaday sirta ka dambeysa guulaha kabtanka xulka qaranka Portugal ahna gool dhaliyaha ugu sareeya taariikhda kooxda Real Madrid ee Cristiano Ronaldo.

Gary Neville ayaa wuxuu u sheegay wargeyska “Express” ee dalka England: “Waan ka hadli karaa Ronaldo, iyo sida uu ugu soo cel celin jiray laadadka xurta ah saacado badan”.

Xidigii hore kooxda Manchester United ayaa wuxuu hadalkiisa intaas kusii daray: “Markii uu yimid Manchester United markii ugu horeysay, ma uusan ku fiicnayn laadka xurta ah, ama kubada gees ka laadka ah, sidoo kale ma aysan fiicneen darbadiisa”.

Neville ayaa sidoo kale sheegay: “Cristiano Ronaldo wuxuu u baahnaa saacado badan inuu tababar sameeyo si uu u noqdo xiddig uu maanta yahay”.

Halyayga kooxda Manchester United Gary Neville ayaa wuxuu hadalkiisa kusoo xidhay: “Waxaan u maleynayaa in arintan oo kale ay haatan heysato xidiga kooxda Manchester Cit ee Rahim Sterling”.