Halyayga Kooxda Liverpool Ee John Aldridge Oo Kaga Digay Macalinka Reer Germany Ee Jurgen Klopp Hal Arin Oo Dhibaato Xoogan Ku Keeni Karta Mohamed Salah.

Halyayga hore kooxda Liverpool ee John Aldridge ayaa kaga digay macalinka reer Germany ee Jurgen Klopp in uu lumiyo xidiga ugu muhiimsan kooxdiisa iyo xulka qaranka Masar Mohamed Salah, sababa la xidhiidha kulamada badan uu ciyaarayao.

25-jirkan reer Masar Mohamed Salah ayaa xili ciyaareedkan ka sameenaya kooxda Liverpool bandhig cajiib ah, kadib markii uu noqday xidiga ugu goolasha badan shanta horyaal ugu waaweyn ee qaarada yurub, kadib markii uu ku dhaliyay 30 gool, 32 ee ah horyaalka Premier League-ga. Iyo 40 gool ee ah dhamaan tartamada oo idil.

Gool dhaliyaha xulka qaranka Egypt Mohamed Salah ayaa kusoo biiray kooxda Liverpool suuqii xagaaga ee lasoo dhaafay isagoo kaga yimid dhigooda reer talyaani ee Roma, xili uu heshiiskiisa ku kacay aduun lacageed gaarsiisan 50 milyan euro.

John Aldridge oo kala hadlayay saxaafada Mohamed Salah ayaa wuxuu yidhi: “Jurgen Klopp waxa uu la dhibtoonayaa kulamada badan ee xiligan iyo sida uu ku xulan lahaa shaxda kooxdiisa, waana inuu si caqligal ah kaga shaqeeyaa”.

“Mohamed Salah wuxuu doonayaa inuu sii joogteeyo hogaaminta gooldhalinta horyaalka Premier League, laakiin kulamada soo aadan waxaa muhiim ah in Klopp uu ula dhaqmo si caqli gal ah, isla markaana uu nasiino siiyo qaar kood saddexda xidig weerarka ka ciyaarta ee kala ah Salah, Sadio Mané Roberto Firmino, hadii ay Reds midkood lumiso waxay saameyn xoogan ku yeelaneysaa isku dheeli tirnaanta kooxda”.

Aldridge ayaa wuxuu hadalkiisa kusoo xidhay: “Hadii ay saddexda xidig ee weerarka ka ciyaarta ay joogteeyaan qaab ciyaareedka ay haatan bixinayaan, waxaa jiri doonta fursad ay Liverpool ku gaari doonto finalka Champions League ka dhici doona magaalada Kiev 26-ka bisha May ee soo aadan”.