Halyayga Kooxaha Manchester United Iyo Tottenham Hotspur Garth Crooks Oo Kala Taliyay Mohamed Salah Wararka Ku Aadan U Dhaqaaqistiisa Real Madrid.

Weeraryahankii hore kooxaha Manchester United iyo Tottenham Hotspur Garth Crooks ayaa aaminsan in mucjisada xulka qaranka Masar iyo kooxda Liverpool ee Mohamed Salah uusan sii joogi doonin xili ciyaareedka soo aadan kooxda haatan uu ku sugan yahay ee Reds, inkastoo ay soo baxayaan warar sheegaya in Real Madrid ay xiiseyneyso helitaanka adeegiisa.

Garth Crooks ayaa wareysi uu la yeeshay shabakada BBC wuxuu kaga hadlay mustaqbalka Mohamed Salah wuxuuna yir: “Waxa uu ka sameenayo wiilkan kubada cagta Masar, ma jiraan wax lagu tilmaami karo”.

Halyayga kooxaha Manchester United iyo Tottenham Hotspur ayaa wuxuu hadalkiisa intaas kusii daray: “Ma dhihi karo ma jirto meel aduunka korkiisa ah ee kaga wanaagsan kooxda Liverpool, iyadoo la qiimeenayo tayada Mohamed Salah”.

Garth Crooks ayaa wuxuu hadalkiisa kusoo xidhay: “Wuxu sameeyay xili ciyaareed cajiib ah, dhamaanteen ayaana ku riyaaqnay wax qabadkiisa xili ciyaareedkan, hadii aad la xiriirto jamaahiirta garoonka Anfield, waxaad ogaaneysaa inaysan jirin meel Salah kaga fiican Liverpool, waa meel uu ku raaxeesanayo, wuxuuna kusoo bandhigaa kubada ee qaas ah”.

Si kastaba madaxweyanaha Real Madrid Florentino Pérez ayaa la fahansan yahay inuu xiiseenayo lasoo saxiixashada xidigaha Mohamed Salah iyo Neymar Jr suuqa xagaaga ee soo aadan si uu qeyb kaga soo dhigto qorshihiisa kooxda Real Madrid ee xili ciyaareedka soo aadan.