Halyayga Kooxaha Liverpool Iyo Real Madrid Michael Owen Oo Ka Hadlay Kulanka Finalka Champions League, Kooxdee Ayuu Ku Sheegay In Kulankan Ay Guul Gaari Doonto?.

Xidigii hore xulka qaranka England Michael Owen ayaa wuxuu xaqiijiyay in Real Madrid ay tahay kooxda ugu cad cad ee markale xili ciyaareedkan ku guuleysan karta tartanka Champions League, halka sidoo kale uu sheegay in Liverpool ay fursad u heysato in ay afduubato tartankan, gaar ahaan xili ay qaab ciyaareed cajiib ah kala hor yimaadaan kulamada kooxaha waaweyn.

Liverpool ayaa kaga hor imaan doonta dhigeeda Real Madrid 26-ka bishan May finalka tartankan Champions League, kaasoo lagu balansan yahay inuu ka dhaco magaalada Kiev ee dalka Ukraine.

Hadaba Michael Owen ayaa wuxuu kulankan kala hadlay wargeyska “Marca” ee dalka Spain wuxuuna yiri: “Liverpool waxay si wanaagsan ula ciyaartaa kooxaha waaweyn, waxayna si dhaqsi ah ku gaaraan goolka kooxda kale, waxaan filayaa in kulanka uu noqon doono mid aad u xiiso badan, goolal badana leysaga dhalin doono”.

Owen ayaa wuxuu hadalkiisa intaas kusii daray: “Liverpool waxa ay gaartay natiijo fiican, laakiin kooxaha dhex dhexaadka ah aad ayay ugu dhibtootaa sababa la xidhiidha in ay si xoogan u difaactamaan dhamaan ciyaaryahanadooda, taasoo ku adkaaneysa kooxda Reds, madaama xawaaraha Mohamed Salah ay tahay waxa ay Liverpool ku tiirsan tahay, hadii uu kulanka noqdo mid dhaqsi badan Reds waxay awoodaa in ay ka adkaato koox kasta”.

“Laakiin Real Madrid waxay ahaan doontaa kooxda ugu cad cad in ay ku guuleysato koobka Champions League, sababtoo ah Real waxay dooneysaa inay guuleysato shaki la’aan, sida aan ku sheegay xili ciyaareedka bilawgiisa, waxaan u arkaa in Los Blancos ay tahay kooxda ugu cad cad ee tartankan ku guuleysan karta, sababa la xiriira qibrada wanaagsan ay u leedahay kulamadan oo kale”.

Michael Owen ayaa wuxuu hadalkiisa kusoo xidhay: “Inkastoo aan dhahayo, waxaan qabaa in labada kooxood ay siman yihiin kulankaan sababtoo ah Liverpool waa ay xoogan yihiin, waxaana laga yaabaa inay ku guuleystaan tartankan iyagoo ugu mahadcelinaya dhanka weerarkeeda”.

Waxaa xusid mudan in Liverpool ay markii ugu dambeesay tartanka Champions League ay kaga soo guuleysatay kooxda AC Milan, finaalkii caanka ahaa ee ka dhacay magaalada Istanbul ee dalka Turkey snaadii 2005.