Halyayga England Iyo Kooxda Barcelona Gary Lineker Oo Si Adag U Weeraray Sergio Ramos Sababa La Xidhiidha Mohamed Salah.

Xidigii hore xulka qaranka England iyo sidoo kale kooxda Barcelona Gary Lineker ayaa wuxuu ka hadlay arinta u dhaxeysa Sergio Ramos iyo Mohamed Salah, kadib dhaawacii uu u geestay kulankii finalka UEFA Champions League ee kasoo wareegtay in kayar laba isbuuc kaasoo ka dhacay caasimada dalka Ukraine ee Kiev.

Ka hadalka arintan ee khabiirka Gary Lineker kadib markii uu si jees jees ah kaga hadaly Sergio Ramos dhaawaca xidiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah, kaasoo kasoo gaaray kulankii ay kooxaha Real Madrid iyo Liverpool ay ku wada ciyaareen finalkii UEFA Champions League ay Los Blancos ku guuleesatay koobkii 13-aad ee taariikhda kooxda reer Spain.

Kabtanka kooxda Real Madid ayaa wuxuu ugu dambeyn ka baxay aamusnaantii uu ku jiray, ka dib markii lagu eedeeyay inuu si ula kac ah u weeraray weeraryahanka kooxda Liverpool Mohamed Salah kulankii finalka Champions League.

Sergio Ramos ayaa si adag ugu jawaabay jamaahiirta kooxda Liverpool oo si cadho leh u dalbaday in finalkii UEFA Champions League lagu celiyo maadaama oo uu goolhaye Karius dawakhaas u sameeyay qaladaadkii uu sameeyay finalkii Keiv kadib markii dhakhaatiir baadhitaan ku sameeyay ay si rasmi ah u cadeeyeen in jugtii uu Ramos soo gaadhsiiyay Karius uu la maskax guuray.

Laakiin Gary Lineker ayaa wuxuu soo dhigay bartiisa Twitter-ka erayo uu ku weeraryo Sergio Ramos wuxuuna yiri: “Sergio Ramos waa ciyaaryahan weyn, kooxaha aduunka oo dhana waxay doonayaan inay la saxiixdaan, laakiin wuxuu u qalmaa in la gudoonsiiyo abaal marinta doqonimada”.