Halyay Reer England Iyo Kooxda Liverpool Jamie Redknapp Oo Fariin Culus U Diray Jose Mourinho, Kahor Inta Uusan Furmin Suuqa Kala Iisiga Soo Aadan.

Halyayga reer Engaland iyo kooxda Liverpool Jamie Redknapp ayaa wuxuu kala taliyay macalinka kooxda Manchester United ee Jose Mourinho, hal arin kahor inta aan la gaarin xili ciyaareedka cusub ee soo aadan.

Jamie Redknapp ayaa wuxuu u sheegay wargeyska “Daily Mail” ee dalka England: “Manchester United waa inay isku daydaa inay la soo wareegto xiddiga Real Madrid Gareth Bale suuqa xagaaga soo socda”.

halyayga kooxda Liverpool ayaa wuxuu hadalkiisa intaas kusii daray: “Manchester United waxay xili ciyaareedkan ku dhameesatay booska kaalinta labaad, waxayna sidoo kale fursad u heysataa inay ku guuleysato koobka FA Cup, balse aan runta ka hadalno, Unitedka waxay noqotay koox caajis badan, waxaana arintan si cad u muujineysaa, sida ay ugu dhibtoodeen guushii ay ka gaareen Watford”

Redknapp  ayaa wuxuu hadalkiisa kusoo xidhay: “Haddii Mourinho uu doonayo in isbadal uu sameeyo, waa inuu lasoo saxiixdaa  Gareth Bale suuqa kala iibsiga ee soo aadan, ciyaaryahanka reer Welsh wuxuu leeyahay khibrad ku filan, mana filayo in wax cabsi ah uu ka qabi karo horyaalka Premier League”.

si kastaba Manchester United ayaa kahor imaan doonta Sabtida soo socota dhigeeda Chelsea si ay ugu wada ciyaaraan kulanka finalka FA Cup garoonka caalamig ah ee ku yiila caasimada London dalka Engalnd ee Wembley Stadium.