HALYAY QARAN: Mohamed Salah Oo 28 Sano Kadib Xulka Qarankiisa Masar U Soo Saaray Koobka Aduunka, Laba Gool Oo Uu Congo Dhulka Ku Dhigay IYo Xamaasadii Layaabka Lahayd Ee Uu Laba Gool Ku Abuuray.

Xulka qaranka qaranka Masar ayaa ugu danbayn u soo baxay koobka aduunka kadib markii ay muddo 28 sano ah ka manaayeen saaxada koobka qaramada aduunka, waxaana halyay qaran oo dhab ah noqday xidiga ay kubbada cagta Masar ku tiirsan tahay ee Mohamed Salah kaas oo laba gool dhaliyay isla markaana ku abuuray xamaasad kubbadeed oo aan waqti dheer garoomada lagu arkin wuxuuna qarankiisa Masar ka caawiyay in ay 2-1 ku garaacaan isaga oo waliba goolka guusha dhaliyay intii lagu jiray dhamaadka daqiiqado dheeri ahaa oo ciyaarta lagu daray.

Daqiiqadii 63 aad ee qaybtii danbe ee kulankan ayay ahayd markii uu uu Mohamed Salah dhaliyay goolka furitaanka ee kulankan wuxuuna abuuray xamaasad dhul gariir ah iyada oo garoonka Borg El Arab ee ku yaal magaalada Alexandria uu ku dhawaaday in uu soo dumo sababtoo ah sida uu u buux dhaafsanaa iyo qaabka waalida ah ee ay jamaahiirta koobka aduunka ka raagtay ee Masar ay goolkan ugu dabaal deegeen.

Ciyaartoyda xulka qaranka Masar kaydka u fadhiyay iyo shaqaalaha tababarka ayaa awoodi waayay in ay isxakameeyaan waxayna soo dhex ordeen garoonka iyaga oo doontay goobtii uu Mohamed Salah jamaahiirta xulka qarankiisa kula dabaal degayay waxayna xaaladu noqotay jaho wareerar iyada oo Mohamed Salah kaadhka digniinta ah lagu siiyay in uu maaliyada iska saaray isla markaana uu si waali ah u dabaal degay.

Laakiin Masar ayaa heli kartay goolal ay ciyaarta ku dili kartay iyada oo Mohamed Salah laga badbaadiyay goolkiisa labaad ee uu dhalin lahaa balse waxay ahayd daqiiqadii 87 aad markii ay jamaahiirta Borg El Arab stadium ay ilmada daadiyeen isla markaana neefta dib loogu celiyay waxaana Congo goolka barbaraha dhamaadkii ciyaarta u keenay Bouka Moutou kaas oo qalad difaac si fiican uga faa’iideeyay waxayna ciyaartu noqotay barbaro 1-1 ah iyada oo saddex daqiiqo hadhsan yihiin.

Masar ayaa bilawday in ay wax walba u samayaan sidii ay goolka guusha ku keensan lahayeen laakiin 90 kii daqiiqo ee ciyaarta ayaa ku dhamaaday barbaro 1-1 ah wuxuuna garsooraha afraad tilmaamay 5 daqiiqo oo dheeri ah maadaama oo ciyaartu intii ay socotay marar la hakiyay.

DAQIIQADII 93 AAD xulka qaranka Masar ayaa ku guulaysatay rekoodhe kadib markii uu xidiga qaranka Congo ee Beranger Itoua uu qalad ku galay Trézéguet laakiin waxaa si layaableh rekoodhahan uga falceliyay ciyaartoyda garoonka ku jiray, kuwa kaydka fadhiyay iyo waliba kumanyaasha taageerayaasha ahaa ee garoonka joogay waxayna bilaabeen in ay sujuudaan isla markaana ay ducaystaan waxaana raacsanaa dabaal deg waali ah sidii goolka la dhaliyay oo kale.

DAQIIQADII 94 AAD GOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOLLLLLL Mohamed Salah ayaa kubbada isdul taagay wuxuuna si cajiib ah goolhayaha Congo uu ugu diray jihada qaldan si uu u dhaliyo goolka ay taariikhda kubbada cagta masar waligeed magiciisa ku xusi doonto, wuxuu noqoday halyay qaran isaga oo lugtiisa Masar ugu soo saaray koobka aduunka 28 sano kadib markii ay ka maqnaayeen.

Qoraal laguma sharixi karo intaas kadib wixii dhacay waxayna ahayd dareen qiiro badan isla markaana ay ku diirsadeen dadka islaamka ah iyo waliba maalaayiinta ree Masar ee qarankooda Afrika ugu sumcada wayni uu ka maqnaa koobka aduunka tan iyo sanadkii 1990 kii.

Mohamed Salah ayaa 14 gool u soo daliyay xulka qarankiisa Masar 18 kii kulan tartan ee ugu danbeeyay, si aad u dareento xamaasadii waalida ahayd iyo goolkii uu Mohamed Salah xulka qarankiisa koobka aduunka ugu soo saaray halkan ka daawo muuqaalka si fiican u dhegayso falanqeeyaha ciyaarta ee carabka ahaa iyo qaabka uu u qiirooday.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2-1 ay Masar ku garaacday Congo isla markaana ay kaga mid noqdeen xulalka qaramada aduunka ee calankooda ka taagtay Russia.

Comments

comments