Halkuu Yaalay VAR Markii Uu Sergio Aguero Goolka Offsideka Ah Ku Qalbi Jabinayay Swansea City Ee Uu Man City Ugu Soo Saaray Afar Dhamaadka FA Cupka?

Khabiirada kubbada cagta ayaa karbaashay maamulka xidhiidhka kubbada cagta England ee FA-ga kadib markii ay ku fashilmeen in ay cadaalad ka sameeyaan kulankii Man City iyo Swansea City iyada oo muuqaal caawiyaha garsoorka VAR ee kulamada FA Cupka laga hirgaliyay aan la soo dhigin garoonka Swansea City taas oo keentay in go’aano qaladaad ah ay Man City ka faa’iidaysatay.

Pep Guardiola ayaa markale raali galin bixiyay maadaama oo ay kooxdiisu heshay go’aano su’aalo keenay waxaana lays waydiiyay sababtii muuqaal caawiyaha garsoorka VAR loo keeni waayay kulankii Man City iyo Swansea City.

Manchester City ayaa iska xaadirisay semi final-ka koobka FA Cup-ka kadib markii ay soo laabasho cajiib ah ku sameysay kooxda Swansea, kulanka wuxuu ku dhamaaday 2-3 – balse lama isticmaalin aaladda VAR iyadoo muran badan la galinayo laba ka mid ah goolasha Citizens.

Sergio Aguero ayaa dhaliyay rigoore uu kooxdiisa barbaro ugu keenay, balse muuqaalada kusoo celiska waxey muujinayeen in Cameron Carter-Vickers uu marka hore kubadda taabtay ka hor inta uusan Sterling taaban.

Sidoo kale Sergio Aguero ayaa shabaqa soo taabtay markii uu madax dhaliyay daqiiqadahii ugu dambeeyay ciyaarta, waxaana sidoo kale kaamirooyinka ay muujinayeen inuu garab dhaaf ku jiray xiddiga reer Argentina.

Liberty Stadium waxaa ka dhacday ciyaar xiiso badan, balse dad badan oo kubadda cagta ah ayaa is weydiiyay sababta loo isticmaali waayay aaladda garsoorka caawisa ee VAR maadaama labada tartan ee FA Cup-ka iyo Carabao Cup la isticmaalayay, waxaana xusid mudan in la isticmaalay kulankii Manchester United vs Wolverhampton.

Haddaba waxaa jira xeer ay dajiyeen xiriirka FA-ga oo mamnuucaya in kulan nuucaas ah la keeno garsoore caawiyaha VAR, wuxuuna xeerka u dhigan yahay sidaan:

“Sharciga FA-ga wuxuu muujinayaa in VAR kaliya loo isticmaalayo FA Cup-ka, balse waa kulamada ay lagu ciyaarayo garoomada kooxaha Premier League ama heerka koowaad”

Sidaas darteed hadii lagu ciyaari lahaa xalayto Etihad Stadium waa la keeni lahaa VAR, balse nasiib xumo waxaa lagu ciyaarayo Liberty Stadium oo ay ku ciyaarto koox aan ku sugneyn Premier League, halka kulankii Man United sababta loo keenay ay tahay mid cad oo aan muran kaaga jirin.