Halkuu Ku Dambeeyay Heshiiskii Ay Juventus Kula Wareegaysay Kabtanka Ajax Ee De Ligt – Miyay Juve Ku Fashilmi Doontaa Sidii Barcelona, Man United & PSG?

Waxaan wali meel lagu hubsan saxeexa da’yarka kabtanka ka ah kooxda Ajax ee Matthijs De Ligt kaas oo magaciisu ahaa midka ugu hadal hanta badan suuqa kala iibsiga ee xagaagan.

De Ligt ayaa kooxaha ugu waaweyn Yurub dhex dhigay tartan aad u xoogan waxaana inta la og yahay ku tartamay kooxaha Barcelona, Man United, Paris Saint-Germain iyo Juventus.

Saddexda kooxood ee kala ah Barcelona, Man United & PSG ayaa min hal jeer si aad u xoogan loola xidhiidhiyay 19 jirkan balse heshiisyadii ay ku doonayeen ayaa noqday kuwo aan midho dhalin.

Haatan kooxda Juventus ayaa u muuqata mida kaliga ku ah tartankiisa, Waxa ay la gaadheen heshiiska shaqsiga ah sida uu dhawaan shaaciyay wakiilkiisa Mino Raiola waxaana kaliya hadhay is fahan dhex mara Juve iyo Ajax.

Dhawaan ayay ahayd markii Juventus ay dalab rasmi ah ka gudbisay De Ligt balse qiimaha ay ku dalbadeen ayaa ahaa midka ay ku qiimaynaysay Ajax taas oo dhalisay in kooxda ree Holland ay kusoo gacan saydhay.

Si kastaba, Wargeyska Sport ayaa sheegaya haatan in Bianconeri ay waxkasta u ogolaatay Ajax isla markaana ay doonayso inay iska soo af-meerto heshiiskan oo ay bixiso 75-ka Milyan ee euro ee ay dalbanayso Ajax.

Wargeyska oo faah-faahin hordhac ah bixinayay ayaa dhinaca kale sheegay in Juventus ay qorshaynayso inay Matthijs De Ligt soo bandhigto maalinimada Sabtida ah.

Si kastaba ha ahaatee, Qabsoomida heshiiskan ayaa gunaanad u ahaan doonta warar badan oo xan ahaa oo in badan saxaafada kala duwan ee caalamku ay kasoo sheegaysay mustaqbalka Matthijs.