Halkuu Aaron Wan-Bissaka Kasoo Galayaa 10-Ka Daafac Ee Dunida Ugu Qaalisan Miyaase Virgil Van Dijk Laga Qaaday Booskiisii Kaalinta 1-aad?

Manchester United ayaa shalay si rasmi ah u xaqiijisay saxeexa daafacii kooxda Crystal Palace ee Aaron Wan-Bissaka si ay ugu xaliyaan qaybo kamida dhibaatadii daafac xumo ee kooxdooda soo haysatay xilli ciyaareedkii hore.

Wan-Bissaka ayaa xilli ciyaareedkii hore wacdaro kusoo dhigay Selhurst Park isaga oo kasoo mid ahaa daafacayaa midig ee ugu wanaagsan Premier League sidoo kalena ahaa hoggaamiyaha xogta qaarkeed laga soo ururiyay bandhigii daafacyada midig.

21 jirkan ayaan wali ku guuleysan inuu matalo xulka waaweyn ee England balse waxa uu xiddigaha qarankaas ee da’doodu tahay 21-ka iyo wixii ka yar kala soo muuqday tartanka EURO U21 ee ka socda dalka Talyaaniga.

Manchester ayaa dalabaad dhawr ah hore ugu gudbisay Crystal Palace balse kooxda ree London ayaa ugu dambayn aqbashay heshiis ahaa 45 Milyan oo qadin ah oo lagu daray 5 Milyan oo gunnooyin ku xidhnaan doona.

Waxaanu halkan idiinku muujin doonaa 10-ka daafac ee ugu qaalisan dunida kubadda cagta, Booska uu ka galay Aaron Wan-Bissaka anaga oo si gaar ah isku dul taagi doona kaalmaha hore.

Booska koowaad ayuu wali haystaa Virgil Van Dijk, Daafaca soo xasiliyay Liverpool isla markaana kooxdaas ugu qiimaysan lacagta 75-ka Milyan halka kaalinta labaad uu ku jiro Lucas Hernandez oo ay Bayern Munich £68 Milyan kula saxeexatay.

Kaalinta saddexaad ayuu ku jiraa daafaca Manchester City muhiimada khaaska ah usoo lahaa xilli ciyaareedkii hore ee Aymeric Laporte oo £57 Milyan kaga soo wareegay Athletic Bilbao halka afraad uu kasoo muuqday Benjamin Mendy oo isla Man City ugu qiimaysan £51.75.

Kaalinta shanaad ayaa ah mida uu kasoo muuqday saxeexa cusub ee Man United Aaron Wan-Bissaka balse waxa uu qiimo la wadaagaa booskaasna kula jira Kyle Walker (Man City) & David Luiz (PSG).

Tobbaanka Daafac Ee Ugu Qaalisan Taariikhda Kubadda Cagta

VIRGIL VAN DIJK –  £75m

LUCAS HERNANDEZ –  £68m

AYMERIC LAPORTE –  £57m

BENJAMIN MENDY – £51.75m

DAVID LUIZ –  £50m

KYLE WALKER –  £50m

AARON WAN-BISSAKA –  £50m

JOHN STONES –  £47.5m

EDER MILITAO – £42m

DAVINSON SANCHEZ –  £36.6m