“Halkay Lugahaagu Joogeen” – Xiddigii Uu Pep Guardiola Canaanka Kulul Kala Dul Dhacay Kaddib Guuldarradii Wolves Oo La Ogaaday & Waxa Uu Ku Eedeeyay.

Sida ay saxaafadu sheegayso, Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa si weyn u canaantay guud ahaan xiddigaha kooxdiisa gaar ahaan David Silva kaddib guuldarradii kasoo gaadhay Wolves toddobaadkan.

Manchester City ayaa haatan siddeed dhibcood hoos uga dhacday kooxda hoggaanka u haysa horyaalka ee Liverpool kaddib guuldarradaas waana tiro ay adagtahay in lasoo qabto walow ay xilli ciyaareedkii horeba hoggaan toddoba dhibcood ah kaga daba tageen.

Kaddib guuldarradii Wolves, Sida laga soo xiganayo wargeyska Mail tababare Guardiola ayaa halyeeyga ahna kabtanka kooxda ee haatan ee Silva ku eedeeyay inuusan orodkii loo baahnaa siinayn kooxda.

Pep ayaa yidhi sida Mail lagu qoray “David anaga namaad siinin orod nagu filan, Halkay joogeen lugahaagu?” Isaga oo ka cadhaysan dhaq-dhaqaaq yaridii Silva ee kulankaas.

Wargeyska ayaa intaas ku daraya in eedaynta Guardiola ee Silva aysan hada bilaaban balse ay soo bilaabantay kulankii ay bar-bardhaca 2-2 ah la galeen kooxda Tottenham oo uu Silva 12-kii daqiiqo ee ugu dambeeyay ka ciyaaray.

Pep ayaa kulankaas David Silva ku canaantay inuusan wax saamayn ah ku yeelan natiijada iyadoo ugu dambayn ay 2-2 la dhaafi waayeen Spurs.