Halkan Kaga Boggo Waraysi Laga Qaaday Tababare Mikel Arteta Mudo Kaddib Markii Uu Haleelay Caabuqa Coronavirus & Dareenkiisa Haatan.

Tababaraha kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa ka hadlay xaaladiisa caafimaad mudo kooban kaddib markii laga helay caabuqa Coronavirus oo la aaminsan yahay inuu ka qaaday madaxweynaha Olympiakos xilli ay labada kooxood ku kulmeen Europe League.

Ku dhawaad 100 qof oo kamida shaqaalaha Arsenal ayaa la karantiilay kaddib markii Mikel Arteta laga helay xanuunka kahor intii aan la helin silsilad xiddigo Premier League ah oo laga helay caabuqa iyadoo ugu dambayn la hakiyay horyaalka.

Arsenal ayuu qorshaheedii hore ahaa inay 24-ka bisha March oo berri ah tababarka kusoo laabato balse kaddib kor u kaca xanuunkan iyo in wakhtigii uu horyaalku soo laabanayay dib loo sii dhigay ayaa sababay in qorshahaas la kansalo.

Kaddib laba toddobaad iyo badh uu karantiil ku jiray, Mikel Arteta oo u warramay muuq-baaiyaha ree Spain ee La Sexta ayaa sheegay inuu aaminsan yahay inuu haatan soo kabtay.

37 sano jirkan oo xaaladiisa ka warramaya ayaa yidhi “Anigu aad ayaan u wanaagsanahay haatan, Waxaan dareemayaa inaan soo kabtay”.

“Waxay igu qaadatay saddex ama afar maalmood inaan dareemo si wanaagsan oo aan yeesho tamar badan, Inaan calaamadaha xanuunka kasoo gudbo haatana xaqiiqadu waa inaan dareemayo si aad u wanaagsan”.