RASMI: Suuqii Premier League Oo Soo Xidhmay Iyo Liiska Ciyaartoydii Lala Kala Wareegay Maanta Oo Khamiis Ahayd. Akhriso Liiska.

Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda Premier league ayaa si buuda u soo xidhmay waxaana wali sii jiri doona saxiixyo ilaa saacada soo socda la dhamaystiri doono maadaama oo waraaraha looga baahnaa la gudbiyay intii aanu suuqu xidhmin waxayna kadib kooxaha Premier League dhamaan  dareenkooda ku soo jeedin doonaan xili ciyaareedka cusub oo isla jimcaha barri si rasmi ah u furmi doona.

Kooxaha Premier League ayaa suuqa ka raadsanaya xidigo ay wali kooxahooda ku soo xoojiyaan waxaana sidoo kale jira xidigo ay iibinayaan markii ay qorshaha xili ciyaareedka kooxahooda qayb ka noqon waayeen, laakiin saacadaha soo socda waxaa la filayaa saxiixo badan la samayn doono maadaama oo ay hawlo badani socdaan.

Haddaba ilaa xalay waxaa jiray heshiisyo muhiim ah oo al dhamaystiray iyada oo waliba la filayo in ay saacadaha soo socda dhici doonan heshiisyo kale balse waxaanu halan idiinku haynaa liika ciyaartoyda maanta ilaa xalay la dhamaystiray iyada oo liiskani uu noqon doono mid furan oo aanu marka ku soo dari doono heshiisyada la dhamaystiro.

Kooxda Everton ayaa hawlgal layaableh samaysay waxay ku guulaystay in ay Barcelona kala soo wada wareegtay Yerry Mina iyo Andre Gomes iyada oo Mina ka soo bixisay 27 milyan gini halka Gomes ay ku soo qaadatay amaah taas oo la micno ah in Everton ay la soo wareegtay Lucas Digne, Yerry Mina iyo Andre Gomes oo dhamaantood Barcelona ka wada tirsanaa.

Halkan kaga bogo isla markaana wixii ku soo kordha kala soco ee saxiixyadii ugu danbeeyay ee la dhamaystiray iyada oo ay ku kooban yihiin kuwa ku soo biiray ama ka baxay kooxaha Premier league oo uu suuqoodu xidhmayo.

Danny Ings [Liverpool – Southampton] Amaah

Andre-Frank Zambo Anguissa [Marseille – Fulham] £22.3m

Timothy Fosu-Mensah [Man Utd – Fulham] Amaah

Domingos Quina [West Ham – Watford] lama shaacin lacagta

Luciano Vietto [Atletico Madrid – Fulham] Amaah

Martin Montoya [Valencia – Brighton] lama shaacin lacagta

Jordan Ayew [Swansea – Crystal Palace] amaah

Joe Bryan [Bristol City – Fulham] £6m

Sergio Rico [Sevilla – Fulham] amaah

Peter Gwargis [Jonkopings Sodra IF – Brighton] lama shaacin lacagta

Isaac Mbenza [Montpellier – Huddersfield] amaah

Carlos Sanchez [Fiorentina – West Ham] lama shaacin lacagta

Dan Burn [Wigan – Brighton] lama shaacin lacagta

Yerry Mina [Barcelona – Everton] £27m

Andre Gomes [Barcelona – Everton] Amaah

Bernard [Shakhtar Donetsk – Everton] bilaash

Leander Dendoncker [Anderlecht – Wolves] amaah

Victor Camarasa [Real Betis – Cardiff] amaah

Adama Traore [Middlesbrough Wolves] £18m

Thibaut Courtois [Chelsea ⇒ Real Madrid] 35m

Jordan Flores [Wigan Ostersunds FK] amaah

Filip Benkovic [Dinamo Zagreb Leicester] lama shaacin lacagta

Lucas Perez [Arsenal – West Ham] lacagta lama shaacin

Mateo Kovacic [Real Madrid – Chelsea] amaah

Daniel Arzani [Melbourne City – Manchester City] lacagta lama shaacin

Kepa Arrizabalaga [Athletic Bilbao – Chelsea] £71.6m rekoodh.