Hal Arin Uu Weeraryahanka Reer Spain Ee Álvaro Morata Uu Dib Ugu Laaban Karo Kooxdiisii Hore Real Madrid Oo Haatan Raacda Ugu Jirta Saxiixa Weeraryahan Cusub.

Xidiga reer Spain ee kooxda Chelsea Álvaro Morata ayaa qarka u saaran inuu ka tago kooxda reer England inta lagu gudi jiro suuqan xagaaga, wuxuuna hadalkan imaanayaa kadib markii uu shaqada Blues la wareegay macalinka reer Talyaani ee Maurizio Sarri.

Wargeyska reer England ee “Mirror” ayaa wuxuu sheegay in ciyaaryahanka reer Spain ee Álvaro Morata isagu ahaan isku bandhigay kooxdiisii hore ee Real Madrid, kadib bixitaanka  Cristiano Ronaldo uu dhaqaan kaga biiray kooxda Juventus.

Wargeyska ayaa wuxuu hadalkiisa intaas kusii daray in maamulka kooxda Real Madrid aysan wax xiiso ah u hayn ciyaaryahankii hore ee haatan ku sugan naadiga ka dhisan galbeedka magaalada London ee Chelsea, kadib markii uu bandhig liita kaga dhameestay xili ciyaareedkii lasoo dhaafay.

Wararka ayaa waxay sidoo kale intaas kusii darayaan in Real Madid ay suuragal tahay inay ku fikirto dib u soo celinta  Álvaro Morata, laakiin waa hadii ay ku guuldareystaan saxiixa weeraryahan cusub ee aad u wanaagsan inta lagu gudi jiro suuqan xagaaga. maadaama ay dooneyso badalka Ronaldo.

Waxaa xusid mudan in weeraryahanka reer Spain 25 jirka eee Álvaro Morata uu qeyb kasoo ahaa weeraryahanada kooxda Real Madrid, kahor inta uusan kaga dhaqaaqin kooxda reer London ee Chelsea.