Haddii Uusan Ronaldo Doonayn Anaga Ayaa Doonayna – Jamaahiirta Juventus Oo Ronaldo Uga Hiiliyay Higuain & Talaabo Ay Qaadeen Oo Caddayn U Ah.

Jamaahiirta kooxda Juventus iyo weeraryahanka kooxdooda ee Cristiano Ronaldo ayaa u muuqda kuwo isku maan dhaafsan aragtida Gonzalo Higauin oo kooxdooda haatan amaah uga soo laabtay.

Higuain ayaa maanta kusoo laabtay xarunta Juve isaga oo maray tijaabada caafimaadka ee ka horreysa kulamada isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub waxaana si diiran usoo dhaweeyay jamaahirtii Juve ee halkaas joogtay.

Jamaahiirta halkaas ku sugnayd ayaa hal mar kuwada dhawaaqayay hal ku dhiga “Nala joog Gonzalo” kahor inta uusan ku jihaysan xarunta kooxda.

Higuain ayaa xilli ciyaareedkii hore amaah kusoo kala qaatay kooxaha AC Milan iyo Chelsea iyadoo waliba Blues uu geeyay tababaraha Juve ee haatan ee Maurizio Sarri.

Xidhiidhka ka dhexeeya 31 jirkan iyo Sarri ayaa ah mid aad u adag waxaana ay sidoo kale hore ugu soo wada shaqeeyeen kooxda Napoli isaga oo sidoo kale ku daray liiskii ugu horreeyay ee kooxda ee tababar qaata Salaasadii.

Marka laga yimaado xidhiidhnka wanaagsan ee Sarri iyo Higuain ayaa la filayaa in Ronaldo uu noqon doono shaqsiga hoggaamiya weerarka Bianconeri ee xilli ciyaareedka dambe.

Sarri ayaa la aaminsan yahay inuu toos ula fadhiistay Ronaldo isaga kala hadlay inuu xilli ciyaareedka cusub ka ciyaarsiin doono booska weerarka dhexe.

Ronaldo ayaa hore loo sheegay inuu kooxdiisa kula taliyay inay iska fasaxdo Higuain oo Roma lala xidhiidhinayo balse jamaahiirta ayaa u muuqda kuwo ka aragti duwan.

Gonzalo Higuain pulled up to the J-Medical centre with fans (left) chanting his name

The Argentine striker is popular with supporters and they want him to stay at the club