Haddii Uusan Neymar Ka Tagin Paris Saint-Germain Waligiis Kuma Guulaysan Doono Wax Muhiim Ah, Horyaalka Faransiisku Wuu Hooseeyaa Wuxuuna U Ciyaara Koox Bilaa Taariikh Ah.

Halyeeyga xulka qaranka Brazil iyo kooxda Barcelona ee Rivaldo ayaa talo u soo jeediyay wiilka ay dhalashada wadaagaan ee Neymar walow ay taladani wadne xanuun ku noqon doonto kooxda Paris Saint-Germain iyo jamaahiirteeda.

Rivaldo ayaa sheegay in Neymar uusan ku guuleysan doonin koobab iyo abaalmarino muhiim ah inta uu ku sugan yahay kooxda Paris Saint-Germain ee caasimada dalka Faransiiska isagoo PSG ku tilmaamay kooxd bilaa taariikh ah isla markaana ka ciyaarta horyaal heer hoose ah.

Neymar oo xagaagii hore uun lacag dhan 200 milyan ugu biiray kooxda ree France ayaa haddana dhawaanahan si ba’an loola xidhiidhinaya kooxo badan oo ay ugu horeeyaan Real Madrid iyo Manchester United, Zidane ayaana dhawaan sheegay in Neymar uu yahay lamaanaha ku haboon Ronaldo laakiin ay tahay inay marka hore bixiyaan lacag 200 milyan ah.

Haddaba Rivaldo ayaa qaba in 26 jirkani uu taagan yahay wakhtigii ku haboonaa ee uu waayihiisa kubadda cagta wanaajin lahaa isla markaana ay tahay inuu sameeyo koox badalasho.

Rivaldo ayaana hadalkiisa ku bilaabay “Haddii uusan Neymar ka tagin PSG waligii kuma guulaysan doono wax muhiim ah gaar ahaan Champions League oo ah tartanka ugu muhiimsan”ayuu u sheegay Gazzetta dello Sport.

“Horyaalka Faransiisku waa heer hoose marka loo eego La Liga iyo Premier League waxaana uu u ciyaara koox bilaa taariikh ah”

Neymar ayaa xili ciyaareed isku dhafan ku qaatay kooxdiisa Paris Saint-Germain kaddib markii uu caqabado kala kulmay tababarihii hore ee kooxda ee Unai Emery iyo weeraryahanka kooxda ee Edinson Cavani oo ay dhawr jeer isku dhaceen laakiin ugu dambayn waxa loo caleemo saaray xiddiga sanadka ee horyaalka dalkaasi.