Haddii Uu U Xiisay Cristiano Ronaldo, Waxa Uu Kusoo Kordhin Jiray El-Classico & Lionel Messi Oo Ka Hadlay Awooda Real Madrid Ee Ronaldo La’aan.

Ronaldo and Messi

Kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa waraysi uu bixiyay kaga faalooday dhinacyo badan oo ku saabsan waayihiisa ciyaareed waxaana qayb ka ahaa haddii uu u xiisay Cristiano Ronaldo oo Real Madrid ka hayaamay iyo qoddobo kale.

Labada xiddig ayaa in ka badan tobbankii sano ee ugu dambeeyay heer kale gaadhsiiyay qaab ciyaareedyada shaqsiga ah iyaga oo waliba awood ku qabsaday abaalmarinaha shaqsiga ah ee sarre.

Haatan Messi ayaa ugu horreynba shaaca ka qaaday inuu dhab ahaantii u xiisay Ronaldo oo ka dhaqaaqay Madrid isaga oo dhinaca kale sheegay inuu xifaaltan dheeri ah kusoo dari jiray kulamadaEl-Classico iyo LaLiga.

Messi ayaa hadalkiisa ku furtay “Waan u xiisay Cristiano, Haa, Waan doonayay inuu isagu kasii wato Real Madrid, Waxa uu siiyay Classico iyo La Liga xifaaltan dheeri ah”.

Dhinaca kale Leo ayaa xusay in Real Madrid ay sii wadi doonto inay tartanto la’aanta Cristiano balse uu markasta sheego inay si weyn u tabi doonaan bixitankiisii.

“Real Madrid waxay sii wadi doontaa inay tartanto sababtoo ah waxay haystaan ciyaartoy aad u wanaagsan, Laakiin waxaan xilli horeba sheegay in kooxdu ay dareemi doonto khasaarihiisa ee wixii uu ka dhignaa oo ay safka kooxdu garan doonaan”.