Haddii Uu Real Madrid Ku Biiri Doono Suuqa January, Inuu Isagu Isku Arko Xiddiga Dunida Ugu Fiican Haatan & Faah-Faahinta Su’aalo Muhiim Ah Oo Uu Eden Hazard Ka Jawaab Celiyay.

Chelsea ayaa awoodi wayday inay kooxdeeda kusii hayso goolhaye Thibaut Courtois kaas oo ugu dambayn ku qasbay inay ka iibiyaan Real Madrid balse waxa ay awoodeen inay isla kooxdaas ka ceshadaan Eden Hazard ugu yaraan hal sano oo kale.

Maahan wax sir ah in Eden Hazard uu mudo dheer doonayay ku biirista kooxda Estadio Santiago Bernabeu bixitaankii Cristiano Ronaldo ayaana u muuqday mid fududaynayain xiddigani uu ugu dambayn u wareego Madrid balse heshiiskaasi ma qabsoomin suuqii xagaaga.

Haddaba, Hazard ayaa ka jawaab celiyay su’aalo dhawr ah oo muhiim ah oo ay kamid yihiin, Haddii uu Los Blancos ku biiri doono suuqa bisha January, In sababta uu Chelsea uga tagayaa ay tahay hanashada Ballon d’Or iyo inuu isagu isku aqoonsan yahay xiddiga dunida ugu fiican.

Hazard oo ugu horrayn wax laga waydiiyay haddii uu suuqa January ka baxay Stamford Bridge ayaa isaga oo u warramaya Sky Sports ku jawaabay “MAYA”

Dhinaca kale 27 jirkan ayaa saxaafada uga warramay rabitaankiisa inuu maalin uun ku guulaysto Ballon d’Or waxaana uu qirtay inay hanashada abaalmarintaasi tahay sababta uu uga baxayo Chelsea, “Taasi waa sababta aan u doonayo inaan tago, Waa suurogal”

Ugu dambayn Hazard ayaa sheegay sida uu isagu naftiisa ugu aqoonsan yahay midka wakhti xaadirkan ugu fiican dunida walow aysan dad badani sidaa u arag haddana xiddigan ayaa muujiyay kalsoonida weyn ee uu naftiisa ka qabo.

“Haa (Waxaan ahay midka dunida ugu fiican) laakiin markasta waad sii horumari kartaa kubadda cagta adiga oo goola dhaliyo abuurayana gool caawino”