Haddii Uu Neymar Ku Biiro Cadowgayaga Waa Dhaawac, Haddii Uu Nagu Soo Biiro Waa Saxiix layaableh-Xidig Barca Ka Tirsan.

Ciyaartoyda kooxaha Barcelona iyo Real Madrid ayuu mid kastaaba rajaynayaa in Neymar Jr uu kooxdooda ku soo biiro ama ugu yaraan aanu ku biirin kooxda ay xifiltamaan iyada oo wali uu taagan yahay is mari waaga kooxaha PSG, Barcelona iyo Real Madrid ee saxiixa Neymar.

Xidiga kooxda Barcelona ee Carles Alena oo kulankii Napoli bandhig fiican ka sameeyay isla markaana uu Valverde shaxdiisa ku soo bilaabay ayaa dareenkiisa si daacad ah uga dhiibtay haddii uu Neymar ku biiro Real Madrid ama uu kooxdiisa ku soolaabto.

Carles Alena ayaa ku dooday in haddii uu Neymar Jr ku biiro cadowgooda gudaha oo uu la jeeday Real Madrid in ay dhaawac wayn keeni doonto wuxuuna sidoo kale xusay in haddii Neymar uu ku soo laabto Camp Nou in uu saxiix cajiib ah noqon doono.

SIDOO KALE AKHRISO:  RASMI: Frank Ribery Oo Si Rasmi Ah Ugu Biiray Kooxda Talyaaniga Ee Fiorentina

Kooxaha Barcelona iyo Real Madrid ayaa wali wada xaajoodyo kula jira maamulka sare kooxda Paris Saint-Germain iyaga oo xusul duub ugu jira sidii ay Neymar Jr kula wareegi lahaayeen.

Carles Alena oo ka hadlaya haddii uu Neymar u wareego Real Madrid ayaa yidhi: “Dhaawac ayay noqon doontaa haddii uu Neymar ku biiro cadowgayaga gudaha, xataa way ka sii badan tahay sidaas in uu haddaba halkan(Barca) isagu ka soo ciyaaray”.

Carles Alena oo Neymar ka sii hadlaya ayaa yidhi: “Isagu waa khaas waana mid ka mid ah kuwa aduunka ugu fician. Haddii uu Barcelona yimaado, waxa uu noqon karaa saxiix layaableh  iyo wax aanla rumaysan karin oo dhamaadka suuqa kala iibsiga ah”.

SIDOO KALE AKHRISO:  Aduunyadu Waa Maanta Iyo Shalay- Philippe Coutinho Oo Hadal Qariib Ah Ka Sheegay Bandhigiisii Bayern Munich.

“Isagu waa mid ayna cidna la mid ahayn kaas oo dhamaan ciyaartoyda kale ka dhiga in ay ka fiican yihiin(sidii hore)” ayuu Carles Alena hadalkiisa ku sii daray.

Neymar Jr ayaa xagaagii 2017 kii waxa uu kooxda PSG ugu biiray lacag dhan 222 milyan yuro, laakiin waxa uu si buuxda uga shalaynayaa go’aankii uu Barcelona kaga baxay wuxuuna doonayaa in uu markale Camp Nou ka ciyaaro.

Qolska labiska Barcelona ayaa si wayn looga sugayaa in Neymar Jr uu soo laabto kadib markii uu Lionel Messi iyo Luis Suarez uu fariin ugu balan qaaday in ayna wax walwal ah yeelan maadaama oo uu wax walba u samayn doono sidii uu iyaga markale uga garab ciyaari lahaa.