Haddii Somaliya Laga Reebay Koobka Aduunka Xulka Jabuuti U Soo Gudbay Heerka Groupyada Koobka Aduunka Iyo Natiijooyinkii Kale.

Meel kasta oo ay dadka Somalidu joogaan waxay maanta si wayn ugu dheg taagayeen kulamadii ay xulalka qaramada Somaliya iyo Jabuuti ay ka ciyaarayeen isreeb reebka wajiga hore ee koobka aduunka Qatar 2022.

Inkasta oo xulka qaranka Somaliya ay guuldaro xanuun badani ka soo gaadhay dhigiisa Zimbabwe oo ay kulankii lugtii hore garaaceen, haddana xulka Jabuuti ayaa guul muhiim ah ka gaadhay Swaziland si ay ugu soo baxaan heerka groupyada qaramada Afrika ee koobka aduunka loogu soo baxayo.

Xulka qaranka Djibouti ayaa kulankii maanta dhacay waxay barbaro gool la’aan ah la galeen xulka Swaziland laakiin waxay hore Djibouti guul 2-0 ah u gaadheen kulankii lugtii hore taas oo ka caawisay in ay u soo baxeen heerka groupyada koobka aduunka ee qaarada Afrika.

Xulalka Zimbabwe oo Somaliya guul 3-1 ah ka gaadhay iyo Mozambique oo 2-0 ku garaacday xulka Mauritius ayaa u soo baxay heerka groupyada koobka aduunka ee qaarada Afrika.

Haddii xulka Somaliya ay guuldaro xili danbe ah kala soo laabanayaan Zimbabwe, xulka Djibouti ayaa damaashaad ka helay kulankii ay Swaziland la ciyaareen waxayna hadda ka mid noqdeen xulalka u soo gudbay heerka groupyada koobka aduunka ee isku aadkiisa hore loo sameeyay.

Halkan kaga bogo dhamaan natiijooyinkii kulamadii isreeb reebka koobka aduunka ee xulalka qaaramada Afrika ku soo kala baxayeen:

Axadii, 8 September 

Lesotho 1-1 Ethiopia (0-0)
Xulka Ethiopia ayaa heerka groupyada koobka aduunka u soo baxay.

Tanzania 1-1 (3-0 pen) Burundi (1-1)
Xulka Tanzania ayaa heerka groupyada koobka aduunka u soo baxay.

Equatorial Guinea 1-0 South Sudan (1-1)
Xulka Equatorial Guinea ayaa heerka groupyada koobka aduunka u soo baxay.

Sierra Leone 1-0 Liberia (1-3)
Xulka Liberia ayaa heerka groupyada koobka aduunka u soo baxay.

Talaada, 10 September 

Malawi 1-0 Botswana (0-0)
Xulka Malawi ayaa heerka groupyada koobka aduunka u soo baxay.

Eswatini 0-0 Djibouti (1-2)
Xulka Djibouti ayaa heerka groupyada koobka aduunka u soo baxay.

Zimbabwe 3-1 Somalia (0-1)
Gool Dhaliyaashii: Munetsi 77, Muskwe 86, Billiat 90/ Mohamed 85
Xulka Zimbabwe ayaa heerka groupyada koobka aduunka u soo baxay.

Mozambique 2-0 Mauritius (1-0)
Xulka Mozambique ayaa heerka groupyada koobka aduunka u soo baxay.

Kulamada Kale Ee La Ciyaarayo lugtooda labaad.

17:00 Angola vs. Gambia (1-0)

18:00 Rwanda vs. Seychelles (3-0)

18:00 Sudan vs. Chad (3-1)

18:00 Togo vs. Comoros (1-1)

18:30 Guinea-Bissau vs. Sao Tome ( 1-0)

19:00 Namibia vs. Eritrea (2-1)