Haddii La Ii Soo Doorto Ballon d’Or Waa Sharaf, Haddii Kale Dhamaadkii Aduunyada Ma Aha-Van Dijk Oo Warkiisa Cadeeyay.

Difaaca xulka qaranka Netherlands iyo kooxda Barcelona ee Virgil Van Dijk oo ka mid ah xidigaha ugu cad cad abaal marinta xidiga aduunka ugu fiican ee Ballon d’Or ayaa cadeeyay in ay sharaf wayn u noqon doonto isaga haddii la soo doorto balse waxa uu ku dooday in haddii kale ayna ahayn dhamaadka aduunka.

Virgil Van Dijk ayaa la filayaa in uu dhawaan ku guulaysan doono difaaca xili ciyaareedkii la soo dhaafay Champions League ugu fiicnaa, laakiin waxa uu sidoo kale u sharaxan yahay abaal marinta xidiga sanadka ee  Ballon d’Or kadib markii uu soo qaatay xili ciyaareed cajiib ah.

Virgil Van Dijk oo ka hadlaya in sharaf u tahay in uu ka mid yahay ciyaartoyda loo saadaalinayo ku guulaysiga Ballan do’or ayaa yidhi: “Aniga waa la isharafay, laakiin waxba saamayn anigu kuma lihi, sidaa daraadeed waxaan diirada saarayaa kaliya in aan kulamada ciyaaro, taas ayaa ah wax dhan ee aan qaban karo”.

Laakiin Van Dijk oo si furan u hadlaya ayaa yidhi: “Haddii aniga la i soo doorto, sharaf ayay ii noqon doontaa, laakiin haddii aan la i soo dooran, ma aha dhamaadkii aduunyada”.

Dhinaca kale Van Dijk ayaa sheegay in uu taam buuxa yahay isla markaana uu wanaag ka dareemayo balse waxa uu xaqiijiyay in uu wali horumar samayn karo wuxuuna yidhi: “Wanaag ayaan dareemayaa, taam ahaansho ayaan dareemayaa, waxaanan dareensanahay in aan sii wadi karo horumarinta”.

“Wax badan oo aan wali horumar ku samayn karo ayaa sidoo kale jira, waxa kaliya ee aan doonayo in aan sameeyo ayaa ah in aan sii wado shaqada adag iyo bixinta wax walba oo aan awoodo kulan kastaba iyo tababarka iyada oo aan tusaale u noqonayo ciyaartoyda da’yarta ah ee heerarka kala duwan ee Melwood ka soo baxa si ay xirfadooda kubbada cagta u sameeyaan”. ayuu Van Dijk hadalkiisa raaciyay.

Van Dijk ayaa kooxdiisa Liverpool ugu soo bilawday kulankii furitaanka ee Premier league oo ay guul wayn ka gaadheen kooxda Norwich City balse waxa uu hadda kula jiraa diyaar garowga finalka UEFA Super Cup oo ay Reds habeenimada Arbacada ay ku wajihi doonto Chelsea.