Haddii Ay Timaado Maalin Aysan Real Madrid I Doonayn, Waan Tagi Doonaa – Marcelo Oo Sheegay Inuu Faarujin Doono Bernabeu Haddii Laga Maarmo.

Xiddiga kooxda Real Madrid ahna daafaca bidix ee ree Brazil ee Marcelo ayaa sheegay inuu iskaga bixi doono qalcada Estadio Santiago Bernabeu maalinta ay timaado in Real Madrid aysan isaga doonayn inuu kooxda sii joogo.

Marcelo ayaa sheegay inuusan waligiis qorshayn inuu ka tago Madrid laakiin haddiiba aysan doonayn in isagu uu baaqi kusii ahaado kooxda ay siin doonaan lacago kaddib waxkasta la xalin doono.

Marcelo ayaa yidhi “Haddii ay sidaasi dhacdo, U ogolaada inay lacago i siiyaan kaddib waxkasta waa la xalin doonaa, Kalsooni ayaan ku qabaa naftayda iyo shaqadayda laakiin haddii ay timaado maalinta aysan Madrid i doonayn aniga waan tagi doonaa”

SIDOO KALE AKHRISO:  Waa Kuma Xidiga Liverpool Ka Tirsan Ee Baraha Bulshada Ku Difaacay Xidigii Anfield Sida Xun Kaga Baxay Ee Philippe Coutinho?

“Anigu waan murugoon doonaa laakiin waan tagi doonaa, Laakiin waan hubaa inaan la i caydhin doonin”

Isla waraysigaas, Marcelo ayaa Esporte Interactivo ugu sheegay in Cristiano Ronaldo oo ay saaxiib dhaw ahaayeen uu isaga ku war geliyay inuu kooxda ka tagayo xilli ay ku jireen tababarkii ay iskugu diyaarinayeen Final-kii Champions League ee Liverpool.

Dhinaca kale xiddigan ayaa diiday wararka sheegaya inuu ku biirayo Juventus oo uu kula midoobayo Cristiano isaga oo yidhi “Ka tagista Real Madrid waligeed kuma aysan soo dhicin maskaxdayda”

Marcelo ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay booskiisa u waayay Sergio Reguilon oo kasoo baxay akaademiyada kooxda isla markaana kaga horreeyay xulashada tababare Santiago Solari.