Haddii Ay Shaqadaydu Hal Kulan Ku Xidhan Tahay Si Deg Deg Ah Ayaan U Baxyaa- Sarri Oo Hanjabaad Diray, Miyuu Shaqada Juventus Isku Hubaa?

Tababaraha kooxda Chelsea ee Maurizio Sarri ayaa sheegay in uu si deg deg ah uu Chelsea uga bixi doono haddii ay shaqadiisa tababaranimo ku xidhan tahay finalka Europa league.

Maurizio Sarri ayaa xili ciyaareedka oo dhan la hadal hayay in shaqada laga caydhinayo laakiin markii uu kaalinta saddexaad kaga dhamaystay Premier league ee uu Champions league u soo saaray Blues ayay xaaladu yara degtay.

Waxa kale Maurizio Sarri caawiyay in uu Chelsea u soo saaray finalka Europa League oo ay Arsenal kula ciyaari doonaan caasimada Baku laakiin Sarri ayaa diyaar u ah in uu si deg deg ah uga baxo Chelsea haddii ay shaqadiisu ku xidhan tahay kulanka Europa league.

Dhinaca kale Maurizio Sarri ayaa farxada ka muujiyay in uu baaqi ku sii ahaado Chelsea iyo horyaalka Premier League wuxuuna balan qaaday in uu kadib finalka Europa League uu maamulka kooxdiisa la kulmi doono.

Markii Maurizio Sarri la waydiiyay haddii mustaqbalkiisa Chelsea ku xidhan yahay natiijada finalka UEFA Europa League ayuu ku jawaabay: “Haddii ay xaaladu sidan tahay, waxaan doonayaa in aan si deg deeg ah u baxo”.

‘Waxaan filyaaa in mustaqbalkaygu yahay arbacada, anigu waxaan u baahanahay in aan waqti xaadirkan ka fikiro finalka oo kaliya, laba sanadood ayaa heshiiskayga halkan iiga hadhsan, sidaa daraadeed wax xidhiidh ah lama lihi kooxaha kale waqti xaadirkan” ayuu Sarri sheegay isaga oo wararka Juventus beeninaya.

Laakiin Sarri ayaa cadeeyay in uu maamulka kooxdiisa la kulmi doono wuxuuna yidhi: “Waxaa waajib igu ah in aan ugu horayn kooxdayda la kulmo kadib finalka, waxaan doonayaa in ana ogaado in ay igu faraxsan yihiin iyo in kale. Waa intaas. Laba sanadood oo dheeraad ah ayaa qandaraaskayga ka hadhsan”.

“Sida aad ogtihiin waxaan waqti xaadirkan aad u jecelahay Premier League. Waa horyaalka ugu muhiimsan aduunka. Aad ayay u farxad badan tahay in aad halkan joogto, laakiin hadda waa waqtigii finalka oo kaliya laga fikiri lahaa” ayuu Maurizio sarri hadalkiisa ku sii daray.

Maurizio Sarri ayaa lala xidhiidhinayaa kooxaha dalkiisa Talyaaniga ee Juventus iyo Inter Milan balse waxa uu doonayaa in marka hore uu ogaado qorshaha maamulka kooxdiisa Blues ay isaga ka leeyihiin xili ciyaareedka cusub.