Haddii Ay Real Madrid Halkan Arin Samayso, Waxay Faa’iidada Ugu Wayn U Tahay Chelsea Si Ay Eden Hazard Heshiis Cusub Uga Saxiixato.

Real Madrid ayaa waqti dheer doonaysay saxiixa xidiga kooxda Chelsea ee Eden Hazard wuxuuna xidiga reer Belgium laftiisu si aan qarsoodi ahayn saxaafada uga horsheegay in uu tan iyo carruurnimadiisii uu ku soo riyoonayay in uu Madrid ka ciyaaro.

Laakiin iyada oo xaalada Real Madrid sii xumaatay isla markaana uu Julen Lopetegui qarka uu saaran yahay in uu shaqadiisa lumiiyo ayay Real Madrid samayn kartaa hal arin oo ka hor joogsan karta in ay Eden Hazard la soo saxiixdaan taas oo faa’iido wayn u noqon karta Chelsea.

Real Madrid ayaa liiska tababaryaasha ay doonayso in ay ka dhigato badalka Julen Lopetegui waxaa halka ugu saraysa kaga jira Antonio Conte kaas oo aanu Eden Hazard doonayn in uu markale ka hoos shaqeeyo isaga oo markii uu Chelsea joogay go’aan ku gaadhay in uu Stamford Bridge ka baxo.

Eden Hazard ayaa waraysi uu bixiyay si daacad ah ugu sheegay in uu doonayay sidii uu Chelsea uga bixi lahaa xagaagii la soo dhaafay balse uu maskaxdiisa badalay markii uu Antonio Conte baxay ee uu Mauizio Sarri uu kooxda la wareegay.

Laakiin sidoo kale Chelsea ayaa si dhaw ula socota wararka Real Madrid la xidhiidhinaya tababarihii ay khilaafka wayn ku kala baxeen ee Antonio Conte kaas oo wali mushaarkiisii ka qaata Chelsea maadaama oo hal sano oo heshiiskiisa ka hadhsnaa oo £9 milyan gini ah uu Blues ka sii qaadan doono.

Haddii uu Antonio Conte noqdo tababaraha cusub ee Real Madrid oo uu badalo Julen Lopetegui, waxay laba faa’iido u noqon doontaa Chelsea oo joojin doonta inta ka hadhsan mushaarka Conte ee sanadka heshiiskiisa Chelsea ka hadhsanaa ee shaqada laga caydhyay halka mar labaad uu Hazard ku sii nagaan karo Blues.

Eden Hazard ayay suurtogal tahay in uu qandaraas cusub oo qaali ah uu u saxiixo Chelsea haddii uu Antonio Conte la wareego kooxda uu jecel yahay in uu maalin uun u ciyaaro ee Real Madrid waana hal arin oo haddii ay Real Madrid samayso si wayn u caawin karta Chelsea.