Haddii Ay Ku Dhaaftay Ama Aad Doonayso In Aad Ku Ceshato Xafladii Abaal Marinaha FIFA Ee Xalay London Ka Dhacday, Halkan Ka Daawo Xafladii Oo Dhamaystiran.

Waxaa xalay magaalada London lagu qabtay abaal marinta ay sanad kasta FIFA qabto ee lagu bixiyo abaal marinaha shaqsiyaadka kubbada cagta ugu fiican. Waxaana ka soo qayb galay dad badan oo kubbada cagta sumcad wayn ku leh iyo waliba shaqsiyaadkii abaal marinaha ku tartamayay si la mid ah jamaahiirtii lagu soo casuumay.

Zinedine Zidane ayaa abaal marinta macalinka sanadka ee aduunka ugu fiican ku garaacay Maxi Allegri iyo Antonio Conte halka Cristiano Ronaldo uu abaal marinta xidiga aduunka ugu fiican ka qaaday Lionel Messi iyo Neymar Jr.

Laakiin waxaa jiray abaal marino kale oo badan oo xafladan lagu bixiyay iyada oo ay ka mid ahaayeen goolkii sanadka aduunka ugu fiicana oo uu Olivier Giroud ku guulaystay halka sidoo kale lagu dhawaaqay shaxda kooxda aduunka ugu fiican.

Macalimadii xidigtii dumarka ugu fiicnaa ee sanadkan 2017 ayaa sidoo kale la bixiyay waxayna ahayd xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo kulmisay dad badan oo kubbada cagta ku abtirsada. Diego Maradona, Ronaldo-hii ree Brazil, Forlan, Lampard iyo xidigo kubbada cagta ka fadhiistay iyo kuwo hadda ciyaaraya ayaa si buuxda xaflada u qurxinayay.

Jamaahiirta kubbada cagta London ayaa fursad u helay in magaaladooda lagu qabto xaflada ugu heerka saraysa kubbada cagta aduunka ee ay FIFA qabto waxaana si wayn xaflada u qurxinayay dadwaynaha marti sharafka ku ahaa ee lagu soo casuumay.

Masuuliyiinta FIFA ee uu madax waynahoodu ugu horeeyo ayaa sidoo kale soo xaadiray si la mid ah masuuliyiin heer kooxeed iyo heer qaran labadaba iskugu jira. Haddaba haddii aanad fursad u helin in aad si toos ah xafladan u daawato ama aad doonayso in aan markale si degan u daawato halkan ayaad xafladii oo dhamaystiran ka heli kartaa.

Halkan Riix Si Aad Xaflada Oo Dhamaystiran u daawato: Xaflada Abaal marinaha FIFA Ee London

Comments

comments