Haddii Ay Jirto Abaal Marin Kasta Oo Shaqsi Ah Oo Aanu Lionel Messi Ku Guulaysan Karin, Waa In Luka Modric Uu Ku Guulaystaa.

Sanadkan waxay dood badani ka jirtay liiska mushariixinta abaal marinaha xidiga aduunka ugu fiican iyo waliba xidiga Yurub ugu fiican iyada oo Lionel Messi laga dhex waayay saddexdii musharax ee u taagnaa abaal marintii sanadka ee xidiga Yurub ugu fiican oo uu Luka Modric ku soo guulaystay kadib markii uu Ronaldo iyo Mohamed Salah ku garaacay.

Sidoo kale Lionel Messi iyo xidigaha xulka qaranka France ee koobka aduunka ku soo guulaystay ayaa ka maqnaaday saddexda musharax ee abaal marinta xidiga aduunka ugu fiican ee The Best oo ay markale ku tartamayaan Luka Modric, Mohamed Salah iyo Cristiano Ronaldo.

Haddaba xidiga xulka qaranka Croatia iyo kooxda Barcelona ee Luka Modric ayaa waraysi aad u dheer oo uu bixiyay waxa uu ku sheegay in abaal marin kasta oo shaqsi ah oo aanu Lionel Messi ku guulaysan in uu ku guulaysto xidiga xulkiisa ee Luka Modric.

Ivan Rakatic oo ka hadlaya abaal marinaha shaqsiga ah sanadkan oo ay ku jirto abaal marinta Ballon d’Or wuxuuna yidhi: “Haddii ay jirto abaal marin shaqsi ah oo aanu Lionel Messi ku guulaysan karin, kadib waa shaki la’aan in xili ciyaareedkan ay u tagi doonto Luka Modric”.

Ivan Rakatic oo ka sii hadlaya haddii uu Luka Modric cod bixin ugu guulaysan doono abaal marinta The Best ayaa yidhi: “Layaab ayay aniga igu noqon doontaa haddii uu cod aad u badan ugu guulaysto, kani sanadkiisii ayuu ahaa isla markaana xaqiiqdii waan ku faraxsanahay isaga”.

Modric ayaa hadalkiisa si fiican u sii kala cadeeyay wuxuuna yidhi: “Haddii aanu Messi ugu fiicnayn, kadib waa in uu Modric noqdo”.

Intaa kadib Ivan Rakatic ayaa ka hadlay xiisihii kooxda Paris Saint-Germain iyo taageeradii uu ka helay Ernesto Valverde si uu Barcelona ugu sii nagaado wuxuuna yidhi: “Xaqiiqdii waxaan tababaraha uga mahad celinayaa erayadiisii iyo wada sheekaysigii aan isaga la qaatay, qaabkii uu aniga iila dhaqmay waxay ahayd xaqiiqdii qaab wanaagsan oo aan gabi ahaanba u bogay”.