Haddii Aan Qolka Labiska Laga Doonayn Griezmann, Rabitaankiisii Neymar Jr Iyo Lionel Messi Oo Warar La Doonayay Kala Cadeeyay.

Intii ayna Barcelona suuqii xagaaga la soo saxiixan Antoine Griezmann waxay warbaahinta dalka Spain si wayn u qoraysay in Lionel Messi iyo ciyaartoyda Barcelona ay ka soo hor jeedeen in saxiixa Griezmann isla markaana ay muhiimada kowaad siinayeen saxiixa Neymar Jr.

Antoine Griezmann ayaa sanad ka hor intii aanu Barcelona ku soo biirin waxa uu ka baxay heshiis hordhac ahaa oo uu maamulka Barca la sii gaadhay kaas oo ay ciyaartoyda kooxdu ku doonayeen in waqtigaas uu Griezmann ku soo biiro.

Laakiin markii uu Antoine Griezmann go’aankiisa badalo ka hor bilawgii koobkii aduunka ee Russia 2018, waxaa la sheegay in ciyaartoyda Barcelona ay kadib ka soo hor jeedsadeen in xidiga reer France uu xagaagii dhawaa yimaado Camp Nou.

Lionel Messi ayaa beeniyay in ay ka soo horjeedeen in Antoine Griezmann uu kooxdooda ku soo biiro wuxuuna qiray in qof kasta oo kooxda ka tirsani uu la jiro xidiga reer France.

Waxa kale oo uu Messi ka hadlay la qabsi la’aanta wali laga dareemayo Griezmann iyada oo uu Messi si buuxda u qiray in markastaba ay wax adag tahay in hanaanka ciyaareed ee Barca lala qabsado marka ay ciyaartoydu kooxo kale ka yimaadaan.

Ugu horayn Messi oo ka hadlaya sida ay Griezmann ugu adag tahay in uu wali la qabsado kooxdiisa Barca ayaa yidhi: “Marar badan ayaan sheegnay, wax sahlan ma aha la qabsiga fikrada kubbada cagta ee Barca ay leedahay. Ka imaanshaha banaanku wuu adag yahay haddii aanad aqoon falsafada kooxda ee gudaha”.

“Griexmann waxa uu ka yimid qaab kale oo loo ciyaarayo oo ka duwan sida aanu halkan ugu ciyaarno, laakiin wax shaki ah kama qabno in uu la qabsan doono, sababtoo ah waxa uu isagu leeyahay tayo, wuuna maskax badan yahay” ayuu Lionel Messi hadalkiisa raaciyay.

Messi ayaa been ku tilmaamay in qolka labiska kooxdiisa Barca looga soo horjeeday imaatinkii Griezmann wuxuuna yidhi: “Xaqiiqdii waa been taasi in aanaan doonayn isaga. Sanadkii hore waxaan sheegay in uu isagu yahay mid ka mid ah kuwa ugu fiican isla markaana kuwa ugu fiican markastaba la soo dhawaynayo”.

“Sababtaas waxaan sidoo kale u doonayay Neymar in uu yimaado, sababtoo ah isagu wuu ka duwan yahay, waa mid ka mid ah kuwa ugu fician, haddii uu halkan joogi lahaa waxay muhiim u ahaan lahayd ujeedooyinkayaga” ayuu Messi hadalkiisa raaciyay.

Messi ayaa qiray in xubno badan oo ka tirsan maamulka Barcelona ayna doonayn Neymar Jr wuxuuna yidhi: “Laakiin Neymar waxaa waajib ah in aad eegto waxyaabo si cadaan ah uga baxsan ciyaaraha, in badan oo xubanaha ka mid ahi may doonayn in uu soo laabto, sababtoo wax walba oo dhacay”.