“Haddii Aan Arsenal Ahaan Lahaa Bangiga Ayaan U Jabin Lahaa” – Halyeeyga Gunners Ee Paul Merson Oo Kooxdiisii Hore U Sheegay Tababaraha Ay Tahay Inay Keensadaan.

Advertisements

Halyeeyga kooxda Arsenal ee Paul Merson ayaa talo ku saabsan macalinka xiga ee ay ku bedelayaan Unai Emery usoo jeediyay maamulka kooxdiisii hore isagoo kula taliyay inay bangiga u jabiyaan tababaraha Leicester City ee Brendan Rodgers.

Jamaahiirta Gunners ayaa dalbanaya in shaqada laga caydhiyo Unai kaddib qaab xun oo ay ku bilawdeen xilli ciyaareedka iyagoo kulamadii ugu dambeeyay ee horyaalka dhibco ku lumiyay kooxaha Wolves, Crystal Palace iyo Sheffield United Carabao Cup-na kaga hadhay sababta Liverpool.

Advertisements

Image result for Brendan Rodgers"

Taa bedelkeeda Leicester oo uu hoggaaminayo Rodgers ayaa xilli ciyaareed fiican ku naaloonaysa waxaana ay booska saddexaad kaga jiraan miiska kala sarreynta horyaalka iyagoo laba dhibcood ka dambeeya Man City.

Kulanka xiga ee Arsenal ayaa ah inay booqan doonaan Leicester qudheeda iyadoo kulankaas haddii ay Foxes guuleystaan uu kor usii kici doono hammigooda afarta kaalmood ee ugu sarreeya.

Advertisements

Haddaba, Merson oo si weyn Rodgers ugu amaanay qaabka uu wax uga bedelay Leicester isagoo aan ciyaartoy badan lasoo saxeexan ayaa sheegay inuu Arsenal kula saxeexan lahaa haddii uu isagu kooxdiisii hore ahaan lahaa.

Paul ayaa yidhi “Leicester waxay ahayd mid cajiib ah, Waxay haystaan tababare aan la rumaysan karin, Brendan Rodgers wax badan kumuu darin safkii uu ka dhaxlay Claude Puel, Laakiin ciyaartoy kasta sidiisa ayuu ku horumariyay”.

“Haddii aan Arsenal ahaan lahaa bangiga ayaan u jabin lahaa si aan isaga u helo, Siiya isaga heshiis shan sano ah oo dib u fadhiista oo daawada isaga oo qaabaynaya kooxda”.

Advertisements