Guul Keen Ama Bax – Tababare Maurizio Sarri Oo Galaya TODDOBA Maalmood Oo Uu SADDEX Koob Ku Tartamayo & Seefta Mulkiile Abramovich Oo Diyaar Ah Haddii Uu Fashilmo.

Mustaqbalka kooxda Chelsea ee tababare Maurizio Sarri ayaa galaya toddobaad muhiim u ah oo la arki doono iyaga oo ciyaaraya saddex Koob oo kala duwan isla markaana xilli ciyaareedkoodu ku xidhan yahay.

Tababaraha ree Talyaani ayaa dagaal weyn ugu jira difaacashada shaqadiisa kaddib saddex guuldarro oo dhibaato leh oo kusoo gaadhay horyaalka Premier League tan iyo curashada sanadkan.

Chelsea ayaa ku guuldaraysatay 2-0 kulankii ay la ciyaareen Chelsea khaor intii aysan guuldarrada bahdilaada ah kala soo kulmin Bournemouth oo 4-0 kaga adkaatay waxaana intaa soo raacday fashil kale oo rekoodh ah oo 6-0 ah oo kasoo gaadhay Manchester City.

Inay lumiyaan kaalin ka tirsan kala sarreynta Premier League ayaa ah hal shay balse inay ku guuldaraystaan koobabka maalmaha soo socda ayaa dabcan hoos u dhigi doonta filashada xilli ciyaareedkan ee Blues.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in dareenka ah in tababare Sarri la caydhin doono uu haatanba ka jiro qolka labiska ee Chelsea waa haddii uu guuldaraysto kulamadaas.

Saddexda kulan ee tijaabada adag ku ah Sarri ayaa ah kulanka caawa ee Manchester united oo ah FA Cup wareegiisa shanaad, Si lamid ah wareega 32-ka Europe League oo ay Malmo soo dhawayn doonaan iyo Final-ka Carabao Cup oo ay Axada Wembley ku wada ciyaarayaan Man City.

Kaddib natiijooyinka ka dhasha toddobadaas maalmood iyo koobabkaas, Mulkiilaha Chelsea ee Roman Abramovich oo la tashayana gabadha uu aaminsan yahay ee agaasimaha ka ah kooxda ee Marina Granovskaia ayaa la filayaa inuu go’aan gaadho.