Khabiir Kubbada Cagta Spain & Sky Sports Ee Guillem Balague Oo Ku Dooday In Qaab Ciyaareedka Barcelona Ee Xili Ciyaareedkani Aanu Mid Fiican Ahayn.

Khabiirka Sky Sports iyo kubbada cagta Spain ee Guillem Balague ayaa aaminsan in qaab ciyaareedka Barcelona uu sanadan hogaaminayo tababare Ernesto Valverde uusan aheyn mid lagu raaxeysan karo isla markaana leh soo jiidashao, inkastoo Blugarana ay natiijooyin wanaagsan ka heshay kulamadii ay ka ciyaartay horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan.

Barcelona ayaa sanad ciyaareedkan ku hogaamineysa horyaalka La Liga ee dalka Spain 28 dhibcood, waxayna 8 dhibcood nadiif ah ay kaga sareysaa kooxda uu dagaalka xoogan kala dhexeeyo ee Real Madrid oo difaacaneysa koobkan.

Guillem Balague ayaa wuxuu u sheegay Sky Sports mar uu ka hadlayay qaab ciyaareedka kooxda ka dhisan gobolka Catalonia ee Blugarana wuxuuna yidhi: “Barcelona waxay aheyd mid cajiib badan isla markaana uu la dhaco qaab ciyaareedkeeda qof walba ee kubadeeda daawadaa”

Khabiir dhanka kubbada cagta Spain ayaa wuxuu hadalkiisa intaa kusii daray: “Laakiin haatan kubadoodu maahan sidii hore sababa la xidhiidha laba arimood, tan koowaad kooxdu waxay ciyaartaa garbo la’aan, sidaa darteed wax walba waxay ka yimaadaan si qoto-dheer qeybta jkhadka dhexe iyagoo u sheqeeya qaab ka liita sidii hore”.

Balague ayaa wuxuu sidoo kale hadalkiisa intaa sii raaciyay: “Arinta labaad waa Lionel Messi , shaqadiisa ayaa u badatay ka ciyaarista qeybta weerarka dhexe, sidaa darteed Suarez ayaa u wareega meelo kala duwan ee gudaha garoonka, taasi ma ahan jawi la jecleysan karo”.

Khabiirka Sky Sports ayaa wuxuu hadalkiisa kusoo xidhay: “Taas macnaheedu waxay tahay in kubada Barcelona ay is bedeshay, laakiin qof walba wuu ku faraxsan yahay Ernesto Valverde, gaar ahaan natiijooyinka kooxda ee xili ciyaareedkan”.

Comments

comments