Guardiola: Waxaanu La Dagaalamaynaa Taariikhda Liverpool & Man United, Halkan Arin Ayaanu U Baahanahay.

Kadib markii ay Man City xili ciyaareedkii labaad oo xidhiidh ah ku guulaysatay koobka Premier League waxaa lagu sifeeyay kooxdii ugu fiicnayd ee Premier League soo martay.

Laakiin Pep Guardiola ayaa tilmaamay in uu jiro hal arin oo Manchester City ka maqan si ay amaantan u heli karo wuxuuna xusay magacyada Liverpool iyo Man United oo taariikhdooda soo qaatay.

Guardiola oo ka hadlaya waxa ay kooxdiisa City u baahan tahay ayaa yidhi: “Waxaanu soo qaadanay laba xili ciyaareed oo fantastik ah, laakiin si laguugu tixgaliyo kuwa ugu fiican, waxaan filayaa in aanu u baahanahay in aanu ku guulaysano Champions league”.

“Heerkayaga tartankaasi muu ahayn mid u fiican sida shaqadayada kale, waan qiranayaa. Taas waa waxa ay tahay in aanu ka hadalno sababtoo ah wali waa riyadayada in aanu ku guulaysano (Champions League)”.

Guardiola ayaa qirtay in wax aad u yar ay ugu guulaysteen horyaalka wuxuuna yidhi: “Horyaalka waxaanu ugu guulaysanay wax yar, waxaa si aad u adag noo riixday Liverpool, haddii aanu Tottenham garaaci lahayn (UCL), ma hubo haddii aanu cadaadiska iyo kulamada dheeraadka ah la tacaali lahayn”

“Anigu ma filayo in aanu diiradayada sii ilaalin karnay sababtoo ah xaqiiqdii Champions League wuu adag yahay, waxaad ku ciyaaraysaa qiiro ka badan inta aad ku ciyaarayso tartamada kale, sidaa daraadeed wuu adag yahay, hal gool, hal go’aan iyo hal fursad qasaarin ayaa qiimo kugu kacaysa”.

Guardiola ayaa intaas kadib qirtay in ay kooxdiisa Man City la dagaalamayso taariikhda kooxaha Liverpool iyo Man United wuxuuna tilmaamay in ay taariikhdu sheegayso kooxaha ugu fiican.

Guaridiola ayaa yidhi: “Liverpool iyo Manchester United ayaa ah labada kooxood ee Premier league ugu waa wayn, taas taariikhda ayaa sheegaysa. Lama dagaalami kartid taariikhda, laakiin talaabooyin ayaanu samaynaynaa”.

“Xili ciyaareedkan shaqo fiican ayaanu qabanay, sababtoo ah, Liverpool layaab ayay lahayd. Haddaba waxaanu ognahay kooxda nala xifiltamaysaa cida ay noqon doonto xili ciyaareedka soo socda, iyo heerka ay waajibka nagu tahay in aanu gaadhno” ayuu Guardiola hadalkiisa sii raaciyay.