Guardiola Raggiisa Wuu Yaqaanaa, In Ay Jurgen Klopp & Tababarayaasha Kale Digniin Culus U Tahay Iyo Saamaynta Rodrigo Hernandez Uu City Ku Yeelan Karo.

Kooxda Manchester City ayaa maanta bixisay lacagtii lagu burburin karayay heshiiskii Rodrigo Hernandez ee kooxda Atletico Madrid wuxuuna si rasmi ah u kansalay qandaraaskii uu kooxda Atletico Madrid kula joogay.

Pep Guardiola waxa uu si buuxda u fahmaa nooca ciyaartoyga uu uga baahan yahay kooxihii uu ka soo shaqeeyay wuxuuna hibo gaar ah u leeyahay in uu kooxdiisa ku mideeyo ciyaartoy ay adag tahay in kubbada laga qaadi karo.

Heshiiska uu Guardiola kula soo wareegay Rodrigo Hernandez waxay muujinaysaa in aanu wali ku qanacsanayn ciyaartoyda adan ee uu khadka dhexe ku hayso waxayna sidoo kale muujinaysaa in uu ka fikiro badalka waqtiga dheer ee Fernandinho.

Rodrigo Hernandez waxaa si buuxda loogu tusaale qaataa Sergio Busquets waana mid ka mid ah ciyaartoyda khadka dhexe ee ugu fiicnaa kooxda Ateltico Madrid laakiin hadda waxa uu qayb ka noqonayaa qorshaha waqtiga dheer ee Etihad Stadium.

Tababarayaashu waxay gabi ahaanba ku kala duwan yihiin nooca ciyaartoyda iyo booska ay awooda saaraan, wuxuuna Guardiola inta badan eegtaa sidii uu kooxihiisa uga xoojin lahaa khadka dhexe waxaana bartilmaameed u ah in uu kubbada ka kaantaroolo kooxaha la ciyaaraya.

Barcelona waxa uu Guardiola ku haystay Sergio Busquets,Javier Mascherano, Xavi Hernandez, Andres Iniesta, Yaya Toure,  Seydou Keita, Cesc Fabregas iyo ciyaartoy la mid ah.

Laakiin markii uu Bayern Munich tababare Guardiola kula wareegay Toni Kroos, Javi Martinez, Xabi Alonso, Thiago Alcantara, Philipp Lahm iyo Bastian Schweinsteige ayuu markiiba doontay Xabi Alonso iyo Thiago  kuwaas oo uu awoodii Bayern sare u qaaday.

Waxa uu Guardiola sii waday in uu awooda saaro khadka dhexe wuxuuna Man City ugu yimid ciyaartoy ay ka mid yihiin David Silva, Yaya Toure iyo xidigo la mid ah laakiin waxa uu sii xoojiyay awooda khadak dhexe isaga oo hadda ku haysta David Silva Fernandinho, Ilkay Gundogan, Fabian Delph iyo hadda oo uu ku soo xoojiyay Rodrigo Hernandez.

Waxa kale oo uu Guardiola haystaa xidigo badan oo khadka dhexe buuxin kara sida Riyad Mahrez, Raheem Sterling, Leroy Sane, Bernardo Silva iyo xidigo la mid ah.

Laakiin in Guardiola oo xidigo badan oo khadka dhexe ah haystay uu hadda 70 milyan yuro ka soo bixiyay Rodrigo Hernandez waxay muujinaysaa sidaa uu wali awooda khadka dhexe in uu qabsado u doonayo.

Kooxaha Premier league gaar ahaan Liverpool oo ay Man City si wayn u soo xifiltameen xili ciyaareedkii la soo dhaafay ayay digniin culus u tahay nooca heshiiska uu Guardiola sameeyay taas oo keeni karta in Jurgen Klopp uu sidii uu sheegay suuqa lacag badan markiisa galin karo.

Manchester City ayaa labadii xili ciyaareed ee ugu danbeeyay ku soo guulaystay koobka Premier league inkasta oo ay fashil kala kulmeen tartanka kooxaha Yurub ee Champions league laakiin waxa uu Guardiola ku faraxsan yahay in uu markale awooda saaro Premier League.

Si kastaba ha ahaatee, lacagta ay Man City kula soo wareegtay Rodri waxay fariin cusub u diraysaa kooxaha waa wayn ee aan wali suuqa lacagaha badan ku kharash garayn waxanaa la filayaa in uu loolan adagi furmi doono.