Guardiola Oo Qorsheenaya Inuu Fursad Weyn Siiyo Mid Ka Mid Ah Difaacyadiisa Man City. Kadib Markii Uu Ku Guuldareestay Raacdadii Uu Ugu Jiray Saxiixyada Virgil van Dijk Iyo Iñigo Martínez.

Macalinka kooxda Manchester City Ee Pep Guardiola ayaa ku fikiraya inuu fursad siiyo xili ciyaareedka cusub ee sida tooska ah u bilaawday dhawaan mid ka mid ah ciyaaryahanada ku sugan safaka kooxdiisa, kaasoo xili ciyaareedkii lasoo dhaafay si toos ah kaga baxay safka koowaad ee shaxdiisa, arintan ayaana imaanaysa kadib markii macalinka ree Spain ku guuldareestay inuu lasoo saxiixdo daafac xoogan ee qeybta dambe si wanaagsan kaga ciyaari kara.

Sida uu daabacay wargeyska The Sun macalinka ree Spain ayaa doonaya in xili ciyaareedkan cusub uu adeegsado daafaca ree france ee Eliaquim Mangala, kadib markii uu laacibkan xili ciyaareedkii lasoo dhaafay si amaah ah ugu dhaqaaqay kooxda ree Spain ee Valencia.

Manchester City ayaa kula soo saxiixatay Eliaquim Mangala aduun dhan £ 32 million, waxaana xidigaha ku wehliyay inay ku baxaan qaab amaah ah ka mid ahaa Samir Nasri iyo Wilfried Bony.

Laakiin markan Pep Guardiola ayaa doonaya in difaacan ree france uu siiyo fursad uu banaanka kusoo dhigo awoodiisa ciyaareed, mudada labada isbuuc ee soo aadan waa marka ay ugu yartahay, kahor inta uusan go’aan kama dambeys ah ka qaadan mustaqbalkiisa kooxda Manchester City.

Guardiola ayaa horey u sheegay in kahor inta uusan soo xidhmin suuqan xagaaga uu lasoo saxiixan doono xidig si wanaagsan kaga ciyaari kara qeybta dambe ee difaaca kooxdiisa, xili ay Man City suuqan xagaag kaga baxday aduun dhan £ 218.

Macalinka ree Spian  ayaa ilaa iyo haatan ku heysta safka kooxdiisa kaliya saddex difaac oo si xoogan ugu kalsoon yahay ee kala ah Vincent Kompany, Nicolás Otamendi iyo John Stones.

Man City ayaa isaga hadhay raacdadii ay ugu jirtay saxiixa difaaca ree Netherlands iyo kooxda Southampton Virgil van Dijk, iyo sidoo kale kan kooxda Real Sociedad Iñigo Martínez. Maadaama uu kusii dhawaanayo ku biirista safka kooxda Barcelona.