Guardiola Oo Helay Go’aanka Toni Kroos, Chelsea Dersin Ciyaartooyo Ah Iibinaysa Iyo Wararkii Ugu Dambeeyey Suuqa Iibka

Muddo kooban  ayaa ka hadhay waqtiga uu furmayo suuqa iibka ciyaartoyga ee xagaaga oo ku beegan horraanta bisha June, laakiin fayraska Korona ayaa laga yaabaa in sannadkan uu isbeddel ku keeno.

Inkasta oo uu hadda xidhan yahay suuqu oo aanu wali furmin, waxa kooxaha waaweyn ee Yurub ay kala jiidanayaan laacibiinta heshiisyadoodu dhamaanayaan ee sida bilaashka ah ku baxaya iyo kuwo kale oo ay u hurayaan lacago badan si ay iskugu xoojiyaan xili ciyaareedka dambe.

Warbaahinta dunida gaar ahaan wargeysyada ayaa waxay si maalin leh usoo bandhigaan dhaqdhaqaaqyada ugu dambeeyey ee kooxaha, ciyaartoyda ay doonayaan iyo waxyaabaha laga yaabo inay dhacaan.

Sidii aad nooga barateen, waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa wararkii ugu dambeeyey ee suuqa iibka ciyaartoyga ee ay wargeysyadu qoreen maanta oo Sabti ah:

Manchester City ayaa heshiis cusub ka saxeexaysa weeraryahanka reer Brazil ee Gabriel Jesus, kaas oo toddobaadkii uu ku qaadan doono mushahar dhan £120,000, xilli 23 jirkan ay xiisaynayso Juventus. (Sun)

Laacibka khadka dhexe uga ciyaara Real Madrid ee Toni Kroos oo 30 jir ah ayaa meesha ka saaray inuu Pep Guardiola kula midoobi doono Manchester City, waxaanu caddeeyey inuu rajaynayo inuu xirfaddiisa ku dhamaysto Real Madrid. (Eurosport)

Tottenham Hotspur laacibka bartilmaameedka u ah ee Sergej Milinkovic-Savic ayaanay qorshaha ugu jirin inuu ku qasbo kooxdiisa Lazio inay xagaagan iibiyaan, waxaanu 25 jirkan khadka dhexe ogolaanayaa inuu saxeexo heshiis cusub oo sannadkii uu ku qaadanayo mushahar dhan £3.5 milyan. (Corriere dello Sport)

Manchester  City waxay diyaar u tahay inay iibiso laacibkeeda khadka dhexe ee Leroy Sane oo ay doonayso Bayern Munich. 24 jirkan ayaa heshiiskiisa City ay ka dhiman yihiin 12 bilood oo kaliya. (Evening Standard)

Weeraryahanka reer Netherlands ee Wout Weghorst ayaa tibaaxay inuu doonayo inuu ka ciyaaro horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, waxaana 27 jirkan doonaysa Liverpool. (Goal)

Laacibka afka hore uga icyaara RB Leipzing iyo xulka Jarmalka ee Timo Werner oo 24 jir ah, waxa uu ku biiri doonaa Liverpool haddii kalena waxa uu joogi doonaa kooxdiisa, naadi kalena ma tegayo. 

Manchester United waxay dusha kala socotaa laacibka garabka uga ciyaara kooxda Schalke ee waddanka Jarmalka ee Rabbi Matondo oo ah 19 jir ah, si ay saxeexiisa ugu dhaqaaqdo haddii uu ku adkaado garabka Borussia Dortmund ee Jadon Sancho oo 20 jir ah. (Mirror)

Benfica waxay u sheegtay Manchester United iyo Wolves inay go’aaminayso qiimaha laacibkeeda weerarka ee Carlos Vinivius oo ah 25 jir u dhashay Brazil. (Mirror)

Real Madrid waxay wali doonaysaa inay lasoo saxeexato weeraryahanka 19 jirka ah ee Erling Braut Haaland, waxaanay ciyaarihiisa daawan doontaa Sabtida maanta marka uu dib u bilaabmo horyaalka Bundesliga. (Mundo Deportivo)

Chelsea waxay diyaar u tahay inay iibiso dhawr ciyaartoy oo kooxdeeda koowaad ka tirsan si ay dibu-dhis iskugu samayso, laakiin waxa uu go’aankeedu yahay in aanay fasixin N’Golo Kante oo 29 jir ah iyo Jorginho oo ah 28 jir ay kooxo kale xiisaynayaan. (ESPN)

Barcelona ayaa raadinaysa laacibka khadka dhexe uga ciyaara Bayer Leverkusen ee Kai Havertz. 20 jirkan ayaa lala xidhiidhinayaa Liverpool, laakiin Barca ayaa niyad-sami ku qabta inay heli karayso. (Sport1)

Sida Ugu Sahlan Ku Hel Wararka Ciyaaraha,Halkan Ka Dajiso App-ka Gool24.net RIIX HALKAAN OO HEL APPKA.

LIKE OUR OFFICIAL FACEBOOK PAGE Gool24 Facebook