Granit Xhaka Oo Laba Jibaaray Dagaalkii Uu Kula Jiray Jamaahiirta Arsenal & Hadal Deel-Qaaf Ah Oo Uu Barta Instagram U Mariyay.

Kabtankii hore ee kooxda Arsenal ee Granit Xhaka ayaa markale barta Instagram ku daabacay qoraal aysan jeclaysan doonin guud ahaan kooxdiisu gaar ahaan jamaahiirta cadhaysan ee ay dhawaan isku dhaceen.

Taageerayaasha kooxda ree London ayaa bar-tilmaameed cad ka dhigtay Xhaka tan iyo markii kabtanka kooxdooda loo magacaabay horraantii xilli ciyaareedkan iyaga oo in badan eedaymo iyo af-lagaado dusha uga tuuray.

Xhaka oo dareenkiisa xakamayn waayay samirkuna uu ka dhammaaday ayaa ku fal-celiyay jamaahiirta kaddib markii ay ku oriyeen iyadoo bedel lagu sameeyay kulankii Crystal Palace isaga oo u adeegsaday erayga “Fuck **f” taas oo sii xumaysay dareenka taageerayaasha.

Xhaka oo arrinkaas hore raali-gelin uga bixiyay ayaan tan iyo kulankaas kooxdiisa u ciyaarin iyadoo uu tababare Unai Emery sheegay inay suurogal tahay inay noqoto markii ugu dambaysay ee uu kooxdiisa matalo.

Advertisements

Si kastaba, Granit oo bartiisa Instagram haatan adeegsanaya ayaa kaddib kulan uu xalay matalay xulkiisa Switzerland erayo duur-xul ah ku dilay jamaahiirta isaga oo sheegay in ay farxadu tahay marka aanad qof kale wax xaqiijin ah ka sugayn balse aad adigu iskaa iskugu faraxsan tahay.

Qoraalka Xhaka ayaa odhanaya “Farxadu waa marka aad naftaada ku faraxsan tahay ee aanad u baahnayn xaqiijinta kuwa kale”.

Image

 

Advertisements