Goorta Uu Madrid Gaadhi Doono, Heshiiska Uu Saxeexayo, Qiimaha Ay Labada Kooxood Isku Af-Garteen & Sky Sports Oo Dibada Soo Dhigay Faah-faahinta Heshiiska Uu Thibaut Courtois Ugu Biirayo Real Madrid.

Goolhayaha kooxda Chelsea ee Thibaut Courtrois ayaa tan iyo bilawgii suuqa kala iibsiga gaar ahaan kaddib koobkii aduunka waxa si joogto ah loola xidhiidhinayay inuu boorsooyinkiisa ka xidh-xidhan doono Blues isla markaana uu u dhaqaaqi doono Real Madrid.

Kanaalka ree England ee Sky Sports ayaa faah-faahin ka bixiyay heshiiska uu Thibaut ku aadayo Real, Kanaalka ayaana daaha ka qaaday goorta uu goolhaye Courtois ugu dambayn gaadhi doono riyadiisii mudada dheer isla markaana uu ka dagi doono caasimada dalka Spain ee Madrid, Heshiiska uu saxeexi doono iyo lacagta ay labada kooxood isku af-garteen si uu u dhammaystiro heshiiska uu ugu wareegayo kooxda Real Madrid.

Courtois should complete his move on Thursday. EFE

Sky Sports ayaa shaaciyay in Thibaut Courtois uu maalinta berrito ah gaadhi doono magaalada Madrid si uu tijaabada caafimaadka ugu maro kooxda tababare Julen Lopetegui isla markaana uu qalinka ku duugi doono heshiis mudo dheer ku hayn doona kooxdaas.

Blues ayaa la fahansab yahay inay xilli horeba dhigeeda Real kala heshiisay waxkasta oo ku saabsan Thibaut, Real Madrid ayaa la filayaa inay bixin doonto aduun dhan 35 Milyan isla markaana ay heshiis shan sano ah ka saxeexan doonto goolhayahan, Lacagtan ayaa ah mid aad u jaban marka loo eego xaalada suuqa kala iibsiga ee maanta.

Heshiiskan ayaa la filayaa inuu fududeeyay imaatinka goolhaye Kepa Arrizabalaga oo ay Chelsea qarka u saarantahay inay ku dhawaaqdo heshiiskiisa isla markaana ay kula soo saxeexato lacag rekoodh ah oo ah 80 Milyan, 23 jirkan ayaa haatan ku sugan caasimada dalka Ingiriiska ee London si uu kooxdiisa cusub ugu maro tijaabada caafimaadka.

Ugu dambayn, Sheekadii mudada dheer taxanaha soo ahayd ee Thibaut Courtois la xidhiidhinaysay Real Mmadrid ayaa u muuqata mid kusoo dhammaanyasa in uu goolhayuhu ku biiri doono kooxdii uu doonayay isla markaana uu ku laaban doono magaalada Madrid sanado kooban kaddib.