Goorta Ay Manchester City Si Rasmi Ah U Dhammaystiri Doonto Saxiixa Riyad Mahrez Oo La Ogaaday & Citizens Oo Ugu Dambayn Qiimaha Xiddigan Kala Heshiisay Leicester City.

Waxa ugu dambayn la ogaaday goorta ay Manchester City si rasmi ah u dhammaystiri doonto saxiixa xiddiga kooxda Leicester City ee Riyad Mahrez kaas oo ay in mudo ah baadigoobkiisa kusoo jiray, Riyad ayaana noqonaya saxiixii ugu horeeyay ee uu tababare Pep Guardiola kusoo daro kooxdiisa gudaha xilli suuqan.

Xiddiga ree Algeria waxa uu mudo dheer bartilmaameed u ahaa Citizens iyadoo wargeyska Dailly Mail uu ku waramayo in ugu dambayn xiddigani uu maalinat berri ah dhammaystiri doono ku biirista kooxdaas isla maraakan uu isaga soo dhaqaaqi doono Leicester oo uu wakhti cajiib ah la qaatay.

Manchester City iyo Leicester City ayaa la fahamsan yahay inay isla meel dhigeen in xiddigu uu heshiiska ku dhammaystiri doono aduun dhan 60 Milyan taas oo ah in 20 Milyan ka yar lacagtii ay markii hore kooxdu ku doonaysay, Riyad ayaa laba kulan seegay bishii January kaddib markii uu kooxda ka codsaday in layska fasaxo balse kooxdu kamay dhagaysan oo way ka diideen.

Haddaba iyadoo ay wali suuqa kala iibsiga ka hadhsanaan doonto mudo bil ahi ayuu tababarah Leicester ee Claude Puel u muuqda mid diyaar u ah inuu ganacsigan sameeyo iyagoo ka faa’idi doona lacago waali ah saxiixa xiddigan maadaama oo uu markii hore kaga yimid kooxda  Le Havre lacag aad u raqiis ah oo ah kaliya £400,000 sanadkii 2014 isaga oo intaas kaddib kooxda u saftay 179 kulan isla markaana u dhaliyay 48 gool.

Haddii uu heshiiskani dhaco tababare Guardiola waxa uu markale dhammaan awoodiisa isugu geyn doonaa khadka dhexe ee Napoli ee  Jorginho kaas oo isaga qudhiisu bartilmaameed u ah, Saxiixyada cusub ee uu Guardiola suuqa ugu jiro ayaa cadayn buuxda u ah inuu isku diyaarinayo sidii uu markale ugu guulaysan lahaa horyaalka Premier League isla markaana uu meel fiican uga gaadhi lahaa tartanka UEFA Champions League.