Goormee Ayay Xulka Spain Xaqiijisan Karaan U Soo Bixitaankooda Koobka Qaramada Yurub Ee Euro 2020?

Iyagoo badiyay dhamaan lixdii kulan ee ay ciyaareen ilaa iyo haatan, Spain ayaa ku dhow inay u soo baxdo koobka Euro 2020, iyagoo kulankoodii ugu danbeeyay xalay 4-0 kaga badiyay xulka Faroe Islands.

Afar kulan ayaa u haray xulka lagu naaaaneeso La Rojo, laakiin waxay u baahan yihiin inay labo kulan kale badiyaan si ay u xaqiijistaan tikidhkooda Euro 2020, waxaana ay taasi ka dhabeyn karaan kulamada caalamiga ah ee la ciyaarayo bisha Oktoobar markaasoo ay booqanayaan Norway iyo Sweden 12ka iyo 15ka Oktoobar.

Labada xul ay la ciyaarayaan waa kuwa dagaal ugu jira inay soo baxaan sidaasi darteed uma sahlanaan doonto xulka Spain.

Spain ayaa sidoo kale soo bixi karta haddii xulalka kale ay dhibco dhumiyaan, inkastoo Romania iyo Sweden ay la ciyaarayaan xulal dhibcaha laga qaato inta badan ee Faraoe Islands iyo Malta iyadoo La Roja ay booqaneysa Norway.

Waxaa sidoo kale jira kulan u dhaxeeya Romania iyo Norway 15ka Oktoobar kaasoo muhiim u noqon kara xulka u dagaalami doona inuu soo baxo bisha November.

Haddii Spain ay ku guuldareysato inay bisha danbe xaqiijisato u soo bixitaankeeda Euro 2020 waxa ay heystaan bisha November oo ay shaqadooda dhameystiri karaan markaasoo ay Malta ku soo dhaweynayaan Cadiz halka ay Romania ku soo dhaweyn doonaan garoonka Atletico Madrid ee Wanda Metropolitano.