Goormaa La Qabanayaa Isku Aadka Wareega Group-yada Champions League? Dheriyada Ay Ku Kala Jiraan Kooxaha, Taariikhaha Muhimka Ah Iyo Halka Aad Ka Daawan Karto

Kubada cagta Champions League ayaa dhawaan soo laaban doona iyadoo wax yar ay ka harsan tahay bilowga wareega group-yada ee koobka loogu jecel yahay tartamada kubada cagta Yurub.

Kooxda difaacaneysa koobkaan ee Liverpool iyo kooxaha kale ee waa weyn ee Yurub ayaa dhawaan ogaan doona group-ka ay ka mid noqonayaan marka la qabto isku aadka.

Liverpool ayaa koobka ku qaaday Madrid ka dib markii ay ciyaarta finalka 2-0 kaga badiyeen Tottenham, labadaan kooxood iyo Man City iyo Chelsea ayaana Ingariiska ku matali doona wareega group-yada iyadoo Arsenal iyo Man United ay xilli ciyaareedkan ka dheeli doonaan Europa League.

Goormee iyo halkee ayaa lagu qabanayaa isku aadka?

Isku aadka wareega group-yada Champions League waxaa maalinta Khamiista ee 29ka bisha Agoosto lagu qaban doonaa magaalada Monaco ee dalka Faransiiska.

SIDOO KALE AKHRISO:  LA OGAADAY: Sababta Dhabta Ah Ee Aanu Antoine Griezmann Ku Heli Karin Lambkarka 7-Aad Ee Uu Coutinho Ka Baxay Oo La Ogaaday.

Halkee ayaad ka daawan kartaa?

Isku aadka waxaa si toos ah muuqaal ah looga baahin doonaa website-ka rasmiga ah ee UEFA. Waxaa sidoo kale baahin doonta BT Sport oo Ingariiska ah, BeIN Sports oo Carabta Iyo Geeska Afrika ah iyo sidoo Supersport oo Afrika oo idil ah.

Waxaad sidoo kale isku aadka si qoraal toos ah ugala socon doontaa shabakada Laacib oo idiin soo gudbin doonaa maalintaas oo dhan wax walba oo isku aadka ku saabsan.

Dheriyada Champions League Iyo Qiimaha Uu Leeyahay

Kooxaha hantay Champions League iyo Europa League iyo kooxaha ku soo guuleystay horyaalada ugu qiimo sareeya Yurub ayaa ku jira dheriga koowaad taasoo la micno ah in kooxahaas aysan isku soo aadi doonin.

Group walba waxa uu ka koobnaan doonaa min hal koox oo laga soo xulay afarta dheri ee loo qeybiyay kooxaha ka qeybgalaya Champions League

SIDOO KALE AKHRISO:  Cristiano Ronaldo Oo Banaanka Soo Dhigay Sababta Uu Uga Fiican Yahay Lionel Messi Iyo Inuu Isaga Yahay Xiddiga Abid Ugu Fiican K/Cagta

Dheriga 1aad 

  • Liverpool
  • Chelsea
  • Barcelona
  • Bayern Munich
  • Juventus
  • Manchester City
  • Paris Saint-Germain
  • Zenit

Dheriga 2aad

  • Real Madrid
  • Atletico Madrid
  • Porto
  • Borussia Dortmund
  • Napoli
  • Shakhtar Donetsk
  • Tottenham
  • Ajax

Dheriga 3aad

  • Benfica
  • Dynamo Kyiv
  • Lyon
  • Bayer Leverkusen
  • Salzburg
  • Valencia
  • Inter Milan
  • Celtic

Dheriga 4aad

  • FC Copenhagen
  • Dinamo Zagreb
  • Lokomotiv Moscow
  • Genk
  • Galatasaray
  • RB Leipzig
  • Atalanta
  • Lille

Waxyaabo aad u baahan tahay inaad ogaato

  • Kooxaha isku wadanka ah iskuma soo aadi doonaan wareega group-yada. Tusaale ahaan Liverpool iyo Man City isku group ma noqon karaan.
  • Kooxaha waxaa loo kala saarayaa afar dheri ka hor isku aadka, Dheriga 1aad waxaa ku jira kooxda heysata koobka (Liverpool), kooxda ku guuleysatay Europa League (Chelsea) iyo kooxaha soo qaaday horyaalada lixda wadan ee ugu qiimo sareeya Yurub.
  • Dheriyada 2, 3 iyo 4 waxaa lagu saleynayaan kaalimaha ay kooxaha uga jiraan qiimeynta UEFA
SIDOO KALE AKHRISO:  QISHKII UGU WEYNAA: Ciyaartoyga Ku Guuleystay Abaalmarinta Xiddiga Yurub Ee Sanadkan Oo Qarsoodi Loo Helay & Dhibcaha La Kala Helay - Messi, Van Dijk Mise Cristiano Ronaldo?

Taariikh ugu muhiimsan

  • Kulamada 1aad ee wareega group-yada: 17/18 September
  • Kulamada 2aad ee wareega group-yada: 1/2 October
  • Kulamada 3aad ee wareega group-yada: 22/23 October
  • Kulamada 4aad ee wareega group-yada: 5/6 November
  • Kulamada 5aad ee wareega group-yada: 26/27 November
  • Kulamada 6aad ee wareega group-yada: 10/11 December
  • Isku aadka wareega 16ka: 16 December
  • Lugta hore ee wareega 16ka: 18/19 iyo 25/26 February
  • Lugta labaad ee wareega 16ka: 10/11 iyo 17/18 March
  • Isku aadka wareega 8da iyo semi-finalka: 20 March
  • Lugta hore ee wareega 8da: 7/8 April
  • Lugta labaad ee wareega 8da: 14/15 April
  • Lugta hore ee semi-finalka: 28/29 April
  • Lugta labaad ee semi-finalka: 5/6 May
  • Finalka: 30 May